|

Mashruuc internet lacag la’aan ah oo laga hirgelineyo mid ka mid ah dalalka caalamka ugu dadka badan

Hargaysa 01, October, 2016-(SDN/QJ):-Shirkadda Google ayaa mashruuc internet lacag la’aan ah ka samaynaysa dalka Hindiya oo ka mid ah dalalka caalamka ugu dadka badan, si ay u hesho dad badan oo isticmaala adeega ay bixiso.

google-internet-indiaMashruuca Internetka ee Google Station ayaa bixin doona adeeg internet oo la siin doono saldhigyada tareenada, iyadoo la doonayo in lagu balaariyo xarumaha ganacsiga magaalooyinka waaweyn.

Internet xawaare badan oo lacag la’aan ah ayaa hadda waxay google siisaa 52 saldhig tareen oo ku yaalla dalka Hindiya, kaasoo sanadkan dhamaadkiisa la gaarsiin doono illaa boqol saldhig.

Sundar Pichai oo ah Madaxa Google ee dalka India ayaa sheegay mashruuca uu ka mid noqon doono mashruucyada internetka ee ugu wayn caalamka.

“Boqol saldhig tareen marka la gaarsiiyo internetka, mashruucan waxaa ka faaiideysan doona in ka badan 10 milyan oo qof” ayuu yiri Sundar Pichai.

Internetkan ayaa noqonaya lacag la’aan marka hore, laakiin Google ayaa lacag ka dhigi doonta mustaqbalka marka la gaarsiiyo afar boqol oo saldhigyo tareen.

Wadanka Hindiya ayaa muhiim u ah shirkadaha technoolajiyada ee wayn caalamka, iyadoo illaa 350 milyan oo qof ay hadda internetka isticmaalaan, waxaana la filayaa inay gaaraan 600 oo milyan.

Comments are closed