|

Mashruuc Bulshada Lagu Khalkhal Galinayo + Urur Diimeed isku xidhan oo Magaaladda Hargeysa lagaga dhawaaqay,Mabaa’diida ay Aaminsan Yihiin & Xukuumadda oo Ka Aamustay DAAWO

Hargaysa 06. April 2017 (SDN/QJ):- Waxaa Caasimadda Hargaysa lagaga dhawaaqay Urur Diimeed Cusub Isla Markaana ay Ku dhawaaqeen Xubno Ku Sugan Magaaladda Hargaysa oo Sheegay inay Taageersan Yihiin Bayaankii Ka Soo Baxay Amiirka Jamaacada Al Sadicuuna Bil Xaq Iyagoo Xusay in Caalamka ay Maanta  Buuxiyeen Juhaladii iyadoo ay Dadku diintooda ka Fogaadeen,Iyagoo Intaas Ku daray inay ka soo Hor jeedaan Cid kasta oo dadka u dejisa Sharci aan ahayn Ka Ilaahay.

Photo: Afarta Xubnood ee Urur Diimeedka Jamaacada Al Sadicuuna Bil Xaq Hargaysa Kaga Dhawaaqay

Somaliland ayaa Mudo hore ku dhawaaqday in Guud ahaan dalka aan laga furi Karin Urur Diimeed Maadaama Maanta uu Caalamku Werwer Xoogan ka qabo Ururada Islaamiga ah oo Isu Bedela Kuwo Argagixiso.

Xubnaha Urur Diimeedkan Al Sadicuuna Bil Xaq ayaa Ka Mid ah Barayaasha Wax ka dhiga Jaamacada Magaaladda Hargaysa.

Xubnaha Urur Diimeedkan kaga Dhawaaqay Magaalada Hargaysa Waxay Kala Yihiin Ibraahin Cali Kaneeco, Eng Maxamud Yuusuf Ismaaciil {Fawsi},Dr Daahir Cali Jaamac,Iyo Eng Cabdulaahi Ciise

Sida uu Ku Yimid Urur Diimeedka Al Sadicuuna Bil Xaq Iyo Sida uu rabo inuu Isugu Faafiyo Somaliland iyo Somalia.

Photo:Amiirka Guud ee Jimciyada Al Sadicuuna Bil Xaq

Geesta Kale kale Waa Maxay Afkaarta uu aaminsan Yahay Amiirka Guud ee Jimciyada Al Sadicuuna Bil Xaq

Comments are closed