|

Mashaqadii Suunaamida Ee Somalia Saamaysay Oo La Joogo Sanad-guuradeedii Tobnaad

Garacad:Dec,26,2014(SDN/QJ)-Maanta oo Bisha December ay tahay 26-ka, ayaa waxa ay ku beegan tahay Sanad-guuradii Tobnaad ee kasoo wareegtay maalintii ay dhacday Masiibadii Tsunami oo Dunida ku laysay Kumanaan Qof, isla-markaana Somalia saamayn badan ku lahayd.

tsuDufaanta oo badda haleeshay waxa ay sababtay in biyahii badda ay ku rogmadeen Deegaano badan oo kamid ah Dalka Soomaaliya waxana dadkii Soomaalida ahaa  ee ku dhintay Sunami lagu qayaasaa 300 oo qof, kuwaas oo dhamaantood ku sugnaa Goobo ku dhaw xeebta Badda ay heleeshay dabayshaasi .

Ma ah Soomaalida oo kaliya meelah ay khasaaraha gaadhsiisay, balse Caalamka meelo badan oo kamid ah waxa la waayey Malaayiin qof oo goobo xeebo ah deggenaa ama ku jirey Maalmaha Damaashaadka Ciidda Masiixiga oo xilligan sidoo kale lagu jiro dabaal deggeeda.

Waxa kamid ahaa Dalalkii ay ku dhufatay duufaanta Sunami Indonesia, Thailand, Sri Lanka iyo Soomaaliya waxana Duufaantasi ay dishay waqtigasi dad gaadhaya 80 kun oo qof.

 

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed