|

MASAR: Wasiir Xilkii Looga Qaaday Aflagaado Uu U Gaystay Nebi Muxamed [N.N.K.H]

Qaahira – Wasiirka Cadaaladda ee Xukuumadda uu hogaamiyo Cabdul-Fataax Siisii ee talada dalka Masar afgembiga kula wareegtay ninka lagu magacaabo Axmed Al-Zand ayaa meel kaga dhacay Maqaamka iyo Sharafta Nabi Muxamed SCW.

Wasiir Ka Tirsan Dowladda Masar Oo Ku Gafay Nabi Muxamed

Isagoo Wareysi siinayay Telefeshin ku yaalla dalkaasi, isla markaana ka jawaabayay Su’aal la weydiiyay oo ku saabsaneyd inuu xidhayo Wariyeyaal uu ku eedeynayo inay isaga Shakhsi ahaan u dureen ayaa waxa uu ku jawaabay:

“Waan xidhayaa qof walba wixii uu doono ha ahaado, xitaa haddii uu yahay Nabiga”, isagoo is weydiiyay : “ haddaan Xabsiyada loo dhisin kuwaas dartood, yaa loo dhisay?.” Hadalka uu ku hadlay Axmed Al-Zand waxa uu dood kulul ka dhex abuuray dalka Masar iyo baraha bulshadu ay ku kulanto ee Internetka.

Dadka reer Masar waxay dalbadeen in xil ka qaadis lagu sameeyo ninkaas ku magacaaban Wasiirka Garsoorka ee u gafay Rasuulka SCW, waxayna dalbadeen in lasoo taago Maxkamad Cadaalad ah, si loogu qaado dembigii uu ku dhacay.

Axmed Al-Zand waxa uu ku caan baxay  inuu ku hadlo hadallada qallafsan ee guuxa kicinaya, marka uu Wareysiyada siinayo Telefishinnada iyo Warbaahinta kale. Bishii January ee horraantii Sanadkan waxa uu Ciidamada Meliteriga dalka Masar ka dalbaday inay laayaan Boqollaal kun oo ka tirsan taageerayaasha Ururka Ikhwaanka ee dalkaasi, si buu yidhi loogu aargudo Askartii ka tirsanayd Ciidamada Meliteriga ee ay dileen waxa uu ugu yeedhay Argagixisada.

Ninkan oo horey uga tiranaa Golaha Garsoorka ee dalka Masar, waxa uu ka mid ahaa Garsoorayaashii kasoo horjeeday Madaxweynihii hore ee dalkaasi Maxamed Mursi, isagoo ka mid ahaa qaban qaabiye-yaasha dibadbaxyadii ka dhanka ahaa Maamulkii Mursi ee 30-kii bishii June 2013-kii ka dhacay dalka Masar, kuwaas oo ugu dambeyn dhaliyay in Xukunka dalkaasi ay la wareegaan Ciidamada Meliteriga ee uu hoggaaminayay Wasiirkii Gaashaandhigga ee xilligaasi Cabdul-Fataax Siisii.

Dhinaca kalena, Ra’iisul Wasaaraha dalka Masar Shariif Ismaaciil ayaa waxa uu soo saaray qaraar uu xilka kaga qaadaayo Wasiirkiisa Garsoorka ee meel ka dhaca ku sameeyay Nabi Muxamed SCW, balse Naadiga Garsoorka ee dalkaasi ayaa diiday go’aanka Ra’iisul Wasaaraha, waxayna ku tilmaameen mid aan sharci aheyn.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Naadiga Garsoorka ayaa waxay ku yidhaahdeen :

‘’Hadalkii lama filaanka ahaa ee uu ku hadlay Wasiirka waxa uu ka cudur daartay isla markiiba, isagoo wareysiyo uu bixiyay maalintii xigtay ku sheegay in aanay suuragal aheyn inuu ku hadlo  hadal qasad ah oo gef ku ah Anbiyada iyo Rususha”.

Golaha Majmaca Al-Azhar ayaa dhankooda ka hadlay hadalka kasoo yeedhay Axmed Al-Zand, waxayna soo saareen Bayaan aan wax qiimo ah ku fadhiyin, iyagoo hareer maray inay caddeeyaan Xukunka uu leeyahay Ninkaasi, inkastoo aan horeyba looga fileynin inay qaadaan tallaabo noocaas oo kale ah. Laakiin Culimadii hore Islaamka ee Salafka iyo kuwa xilligan nool waxay Mu’allafaat badan ka qoreen Xukunka Sharciga ah uu leeyahay qofka ku gafa Nabi Muxamed SCW, waxaana Kutubta arrimahaas laga qoray ugu caansan Risaalo uu leeyhay Sheykhul Islaam Ibnu Teymiyah, taas oo Cinwaankeedu yahay الصارم المسلول على شاتم الرسول

Comments are closed