Masar : Sharci Cusub Oo Lagu Soo Rogay Dadka Is Mehersanaya iyo Wallaaca Dadweynaha !
Qaahira 15. May 2017 (SDN/QJ):- Mashruucan waxa soo bandhigay Xildhibaanad ka tirsan Baarlamaanka Dalka Masar, kaasi oo ah in Dadka is Mehersanaya la diiwaangaliyo oo warqad aan ahayn ta meherka oo ay xukuumadu leedahay loo jaro, arrintaasi waxay ka dhex dhalisay Dadka ku dhaqan Dalkaasi Khilaaf ballaadhan, balse Xildhibaanada soo bandhigay Mashruucan ayaa ku sababaysay inay ilaalinayso xurmada iyo karaamada qoysaska cusub ee is guursanaya.
Dadka kasoo horjeeda go’aankan ayaa dhinacooda ku sababeeyay inuu yahay caqabad cusub oo sii kordhinaysa dhibaatooyinkii dhaqaale ee ay Dadka reer Masar hore uga cabanayeen ee caqabada ku ahaa guurka da’yarta.
Xildhibaanadan oo wareysi siisay telefashanka Al-xayaat oo Wargeyska Himilo tarjumay ayey ku cadaysay in qaabka loo fulinayo “Mashruucan wuxuu yahay in labada qoys ee ay ka soo jeedaan lammaanaha is guursanayaa ay kala qortaan heshiis cadaynaya xilligay is mehersadeen, muddada ay labadaasi qof isku doonayaan, sidoo kale waxa lagu cadaynayaa ayay tidhi qiimaha meherka, haddii khilaaf dhex yimaado labada qof inta aanay isla aqal galin waxa gannaax lacageed lagu xukumayaa qofkii isagu sababta u ahaa in khilaafkaasi dhaco, waxaanay sheegtay in arrintani ay ka hor tag u noqonayso caadooyin aad u xun xun oo ay Dadka reer Masar ku kacaan ka hor inta aanay is guursan.