Masar oo sheegtay in ay qabatay sarkaal Al Qaacida,iyo ruuxa ay qabatay oo dafiray in uu ururkaa ka tirsan yahay
Qahiira Feb 29,2012(SDN)-Masuuliyiinta wadanka Masar ayaa xaqiijiyay inay qabteen sarlad sare oo ka tir sanaa ururka Al-Qaaciida Maxamed Ibraahin Makaawi , kuna magic dheer Saif Al-adel.
Mr. Al-adel waxa uu ahaan jiray raga ugu cad cadaa gacan yareyaasha u ahaa hogaamiyihii hore ee ururka Al-Qaaciida Usaama Bin Laadin gaar ahaan xiliyadii ay dhaceen weeraradii lagu qaaday wadanka mareykanka ee 11kii September ee sanadkii 2001dii .
Saif Al-Adel ayaa lagu qabtay madaarka magaalada Qaahira, waxaanu soo raacay duulimaad ka mid dhinaca Baakistaan soona martay dubaay , Mareykanka ayaa Ninkaasi u raadinaayey weeraradii qarxinta ahaa ee lagu qaaday safaaradaha uu Mareykanku ku leeyhaya tansaaniya iyo kiiniya sanadkii 1998kii.
Waxaana laga warqabaa tobankii sanadood ee ugu dambeeyey in Ninkaasi uu ku sugnaa wadanka Iraan , isagoo xabsi guri ku jira , hase ahaate marnaba Iraan Ka may hadlin arintaasi .
Ninkan oo magiisa dhabta ahi yahay Maxamed ayaa sheegay in aanu aheyn hogaamiyha Al Qaacida,balse ay isku magac yihiin uun.
SDN-Qahira
contact@somalidiasporanews.com