|

Masar oo markii labaad hub gaarsiisay Muqdisho

Muqdisho November 03, 2024(QJ)-Labo Markab oo mid ka mid ah uu yahay markab dagaal, ka kalena uu hub sido, ayaa galabta ku soo xirtay Dekeda Magaalada Muqdisho.

Shixnaddan hubka ah ayaa ah tii labaad oo ay Masar u soo dirto Soomaaliya si ay ugu taageerto ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Masar iyo Soomaaliya ayaa dhawaan kala saxiixday heshiis iskaashi oo dhanka amniga iyo difaaca ah.

Inta badan Wadooyinka Muqdisho ayaa la xiray si loo fududeeyo dejinta hubka, waxaana maanta barqadii si KMG ah loo hakiyay howlihii shaqo ee Dekedda Muqdisho.

Ilaa hadda lama oga nooca hubka iyo agabka ciidan ee uu markabkan sido, iyadoo dowladda Soomaaliya aysan wax faahfaahin ah ka bixin.

Comments are closed