Masar oo doorashooyin el-sisi lagu caleemasaarayo ay ka socdaan iyo farqiqa u dheexeeyay doorashooyinkan iyo kuwii 2012kii
Qahira May 27,2014(SDN/QJ)-Dalka Masar ayaa haatan waxa la gaalay maalintii labaad ee doorashooyinka Madaxweyne oo ay ku tartamayaan Cabdilfatax El-sisi iyo Xamdeen Sabaaxi oo aan u babac dhigi Karin Jenanka hogaamiya ciidamadii xukunka ka tuuray madaxweynihii u horeeyay ee six or ah dadku u doortaan eid.
Doorashooyinkii 2012kii ayaa ahaa qaar la isweydaarsanayay dodo ku wejahan dhabaha ay Masar u mareyso ka miro dhalinta himilooyinkii kacaankii Mubaarik lagu riday.
Doorashadaa wax aka qeybgalyay 13 musharax oo bulshada noocyadooda kala duwan waxaana herdanka dhabta ahi uu dhex maray Maxamed Morsi oo hogaaminayay Ikhwaaniyiinta halaka uu xukuumadii la ridayna uu metelayay raiisul wasaarihii u danbeeyay ee Xusni Mubaarin Axmed Shafiiq.
Reer Masar ayaa inkasta oo ay ka shakisanaayeen Ikhwaaniyiinta hadana u codeeyay si aaney talada dalka dib gacanta ugu gelin kooxdii Xusni Mubaarik.
Doorashooyinka haatan iminka ka socda Masar ayaa ah qaar si farsameysan loogu caleema saarayo Jenanka u taliya ciidamadi xilka ka tuuray Maxamed Morsi oo awoodihii dalkaasi maroorsaday Cabdifatax el-sisis.
Waxaana iminka la tartamayaa musharax Sabaaxi oo uu si fudud kabaha ula dul mari doono,Sabaaxi ayaa doorashooyinkii horena ka galay kaalinta afaraad.
Waxa buux dhaaafiyay wadooyinka Masar taageereyaasha el-sisi iyaga oo qaaadaya heeso lagu amaanayo el-sisi iyo ciidamada uu taliyaha u yahay.
El-sisi Ayaan daba socon uun guul uu ka helo codeynta ee waxa uu doonayaa in uu dalalka reer Galbeedka u muujiyo in dadweynuhu afganbiyeen Morsi isla markaana ay isbedel doonayeen.
Masar ayaa xaaladeedu sal dhigan weyday kacdoonkii Mubaarik xilka looga tuuray,dad badan oo Masaari ahina waxa ay qabaan in haatan loo baahan yahay ruux gacan adag ku qabta amaan darida dalkooda ka jirta.
SDN/QJ-Qahira
contact@qurbejoog.com