|

Masar oo Dantu U Run Sheegtay (Qaybtii 8aad)

Colaadda Biyaha Niil-ka (Nile) iyo Saamaynta Geeska Afrika (Baadhitaan Saxaafadeed) Xog-Ururin,

Qalinkii Xassan Cumar Hoorri

Inkastoo Niil-ku uu yaahay halbowlaha nolashooda, run ahaantii waayaha siyaasadeed iyo dhaqan-dhaqaale ee Masar waxaa uu meesha ka saaray duullaankii ku wajahnaa Ethiopia. Duruufaha ka oogan Masar ayaa muujinaya in ay ka baaqdeen loollankii ay ugu jireen dirirta soo cusboonaatay ee Biyaha Niil-ka. Boqol sannadood iyo wax ka badan ayaa Masar ka talinaysay Niil-ka, waxaana ay hor taagnaayeen in ay dheefta la wadaagaan dalaka uu webigu ka soo rogmado.

Duruufaha Siyaasadeed (Masar iyo Beesha Caalamka)
Masaaridu hore ayay u lumiyeen xidhiidhkii iyo haybaddii ay ku lahaayeen inta badan qaaradda Afrika iyo dunida Carbeed. Iminkana, waxaa faraha ka sii baxaysa xidhiidhkii soo jireenka ahaa ee ka dhexeeya Maraykanka.

Abdifatah Al-Sissi, jananka dhowaan afgembiyay dalka ayaa waraysi uu toddobaadkii hore siiyay “Washington Post” waxaa uu ku sheegay in Maraykanku baylihiyay dalkiisa. Jananku, waxaa uu ku cowday, “shalay cidlo ayaad uga dhaqaaqdeen Masar, haddana, waxaad u diyaar tahiin in aad dhabarka u soo jeedisaan”, waxaana uu ku ladhay, “Masar ma iloobi doonto sida aad u baylahiseen.”

Jananku waxaa uu hibanayaa sidii Obaama uga gows-qabsaday xil-ka-tuuristii Husni Mubarak. Waxaa kale oo uu cabasho ka soo jeediyay sida ay ugu hungoobeen gacantii ay ka sugayeen ka dib markii 3dii July ciidamadu, qori caaradii, ku la wareegeen taladii dalka. Hadalkiisu waxaa uu shakiga ka saarayaa warbaxinno lagu daabacay warbaahinta USA kuwaasoo tibaaxay in Maraykanku uu gacan-bidixeeyay shirqoolka lagu riday Mohamed Morsi,

Isaga oo ka xun, Jananku waxaa uu intaa ku daray inuu weli baaq ka sugayo Obama, “maalin kasta waxaa aannu wada hadalnaa wasiirka gaashaan-dhigga, Chuck Hagel, balse, ilaa hadda waxaan sugayaa in aan maqlo codka Madaxweyne Obama”. Ugu danbayntii, Al-Sissi waxaa uu ku afgobaadsaday in ciidankiisu ay ajiibeen codsi ka yimid dadweynaha iyo in uu dalka ka badbaadiyay dagaal sokeeye.

Arrinta Masar waxaa dunida looga arkaa inuu Maraykanku indhaha ka laliyay afgembi lagu riday xukuumad lagu soo doortay si xor iyo xalaal ah. Sida uu farayo xeerka Maraykanku, waxaa laga filayay in ay canbaareeyaan falka lagu manjo-xaabiyay hannaankii dimuqraadiyadda iyo inay joojiyaan kaalmada ay u fidiyaan Masar ilaa iyo inta talada dib loogu soo celinayo gacanta Madaxweynahii la soo doortay.

Eedeynta Abdifatah Al-Sissi, waxaa ay ku soo beegantay mar uu wasiirka arrimaha dibedda, John Kerry, booqasho ku joogay Pakistan. Wasiirku waxaa uu taageeray inqilaabka Masar. Waxaa uu ku dhawaaqay, “Ciidamada Masar ma ay maroorsan talada dalka, balse waxaa ay fuliyeen codsi kaga yimid dhinaca shacabka. Runtii, waxaa ay isu taageen sidii loo soo celin lahaa tubtii dimuqraadiyadda! ”

Hase ahaatee, aragtidaa waxaa daadufeeyay afhayeenka Ikhwaan Al-Muslimiin, Jihad el-Haddad isagoo ku duray inuu Maraykanku taageerayo afgembi, keli talisnimo iyo xukun aan sharci ahayn. Dhinaca kale, weedhaha Kerry, waxaa buriyay Mudane John McCain oo Madaxweyne Obama si gaar ah ugu igmaday inuu dhexdhexaadin ka galo is-mari-waaga. McCain oo ahaa ninkii 2004 u orday jagada Madaxweyne ayaa sheegay in Masar uu ka dhacay “INQILAAB”. Waxaana uu ku taliyay in dib loo qiimeeyo deeqda ay siiyaan Masar. McCain waxaa uu ku tiraabay, “deeqdii Maraykanka waxaa maamulaya askar aan xaq u lahayn halka Madaxweynahii hoggaaminta loo igmaday uu sifo sharci-darro ugu jiro xabsiga”.
Odhaahda Mudane McCain waxaa ku gacan-saydhay ciidamada iyadoo Madaxweynaha ku meel-gaadhka-ah uu ku tilmaamay xad-gudub iyo faro-gelin. Mudane McCaine waxaa dhexdhexaadinta ku weheliyay Mudane Lindsey Graham, Aqalka Odayaasha, waxaana ay ka dayriyeen xaaladda dalku ku sugan yahay ka dib markii laga diiday in la soo daayo Mohamed Morsi iyo in la galo wada hadal. “Haddii aan talada wax laga bedlin Masar waxaa maalmaha ama bilaha soo socda ku soo fool leh dagaal sokeeye oo dabo dheeraan doona”, ayuu warbaahinta ka sheegay, Mudane McCain.

Duruufaha Dhqaale
Warsidaha “Financial Times” ayaa dabaacay isla markii inqilaabku dhacay in Madaxweyne Obama telifoon uu ku la hadlay Boqorada Qatar iyo Imaraatka, iyo inuu ku guubaabiyay inay si degdeg gacan uga gaystaan hanti lagu furdaamiyo xukuumadda ku-meel-gaadhka. Sidaa awgeed, saacado ka dib markii jeelka loo taxaabay Madaxweyne Mohamed Morsi waxaa soo if-baxay nacayb ay u qabeen madaxda khaliijku. Durbaba, waxaa ay hambalyo u direen ninkii afgembiyay dalka Abdelfatah Al-Sisi iyo Madaxweynaha cusub Adli Mansour.

Isla markaa, si loo hakiyo burburka dhaqaale, dawladaha hodonka ah ee Gacanka Carbeed (Saudi Arabia, UAE iyo Kuwait) waxaa ay la soo durduriyeen hanti dhiig-joojin ah. Waxaa ay ku deeqeen gurmad isugu jiray taageero siyaasadeed iyo mid dhaqaale oo ka badan $12 bilyan. Lacagtaasi waxaa ay u dhigantaa laba-jibbaar isku darka deeqda Marykanku uu siiyo sannad kasta (USD 1.5bn) iyo amaah gaadhaysa USD 4.8bn oo ay Masar kala gorgortamaysay Sanduuqa Lacagaha Caalamka (IMF). Deeqdu waxaa ay dib u fadhiisisay shacabkii dibad-baxayay, waxaana ay kabtay in laga baxo safkii loogu jiray shidaalka iyo kaltankii laydhku. Hase ahaatee, gurmadka khaliijku ma dabooli karo baahida taagan.

Kacdoonka ka jira dalka iyo kacdoomada ka aloosnaa Gu’ga Carabta ayaa loo aaneeyaa dhaqaale xumaan. Dibad-baxyadii uu eersaday Mohamed Morsi waxaa sababay markii xukuumaddu ka gaabisay inay wax ku riddo caloolaha baahan. Qiimaha raashinka ayaa cirka isku shareeray, sidoo kale, shidaalka ayaa cidhiidhi galay. Laydhka (korontadu) ayaa isaguna kaltan ku ahaa degaamo faro badan. Burburka siyaasadeed waxaa uu sababay 60% inuu hoos u dhacdo lacagaha adage. Sannadahii 2012-2013 kaydku waxaa uu hoos u gaadhay USD 15 bilyan halka uu ka ahaa USD 36 bilyan. Guud ahaan, dhaqaalaha dalka ayaa maraya heer aad u liitta.

Sidaa awgeed, Hay’adda Cuntada ee Qaramada Midoobay (FAO) ayaa ka digaysa cunto-yaraan ku soo fool leh Masar. Hay’addu waxaa ay walaac ka muujiyeen duruufaha dalka ku sugan yahay sida hoos u dhaca wax-soo-saarka iyo kaydka lacagaha qalaad, xasilooni-xumo, iyo korodhka tirada dadweynaha. Arrimahaa is-barkaday ayay sheegeen in ay dalka u horseedi karaan gaadhi karta heer macaluul.

Ethiopia iyo Degaan-siyaasadeedka Xilligan
Muddo dheer, Webiga Niil-ka waxaa ka fulayay talada iyo danaha Masar. Hase ahaatee, markii ugu horraysay waxaa soo bidhaamaysa inuu biligii Niil-ku u janjeedhsaday Ethiopia. Qaab-dhismaha degaan-siyaasadeed (geopolitical framework) ee xilligan waxaa ka muuqdo inuu miisaankii u guuray dhinaca Xabashida. Guusha u soo hoyatay Ethiopia ayaa loo aanayn karaa qoddobo ay ka mid yahiin: –

1. Burburkii Somaaliya, gooni-isu-taagga Somaaliland iyo bisaylka siyaasadeed ee ka jirta Geeska waxaa ay soo afjarayaan in aan xilligan Somaalida loo adeegsan karayn dagaal aan iyaga khusayn. Somaalidu dhowr qarni waxaa ay u heelanaayeen dagaal aanay lahayn oo lagu ilaalinayay danaha Masar ee Niilka. Inkastoo aragtidaa gabowday ay weli ka sii guuxaysay Madaxtooyada Xamar, haddana, ma aha mid hano qaadi karta marka laga eego xidhiidhka iskaashi ee ka dhexeeya Somaaliland iyo Ethiopia iyo marka la wada og yahay in xukuumadda Xamar ay maanta magan u tahay ciidamada Ethiopia ee AMISON.

2. Muddo 100 sannadood ah Masar iyo Sudaan waxaa ay shirko ku ahaayeen Biyaha Niil-ka. Hase ahaatee, waxaa soo kordhay dhalashada dalka Koonfurta Sudaan oo iskaashi weyn la leh Ethiopia kana soo horjeeda in Niil-ka marti looga ahaado Masar. In muddo ah, Ethiopia, waxaa ay ku hawlanayd sidii ay saamayn ugu yeelan lahayd Geeska waxaana ay ka mid yahiin ciidamada Qaramada Midoobay ee tan iyo 2002 ku kala dhex jiray labada Sudaan. Xilligan Xassan Al-Bashir ku ma khamaari karo dagaal uu la galo Ethiopia iyadoo ay ku furan yahiin colaadaha koonfurta Sudaan iyo Darfur. Waxaana jira dhaqaale-xumo iyo dibad-baxyo ka jira dalka. Sidoo kale, Al-Bashir waxaa saaran xiyiraad caalami ah ka dib markii 2009 Maxkamadda Cadaaladda Caalamka (ICJ), Hague ay u soo jartay amar lagu soo qabanayo.

3. Gumaystahii Hingiriiska iyo xulafadiisa oo ahaa kuwa suurta-geliyay in ay Masar iyo Sudaan ku tagri-falaan biyaha Niil-ka ayaa maanta qaba in Ethiopia iyo dalalka uu Niil-ku ka soo rugmado ay xaq u leeyahiin ka faa’iidaysiga webiga. Dawladaha reer galbeedka iyo Shiinaha oo xidhiidh wanaagsan la leh Ethiopia ayaa gacan ka geysanaya dhinacyada farsamo iyo maal-gelin ee lagu dhisayo biyo xidheenka muranku ka dhashay. Masar waxay indhaha ku kala qaaday iyagoo cidlo taagan, waxaana ay soo baraarugeen goor ay kala dhaceen xeedho iyo fandhaal.

4. Afrikada Madow ayaa loo arkaa inay tahay mustaqbalka iyo inuu ku duugan yahay kaydkii dunidu, sida shidaal, macdan, iyo dhul dihin. Sidaa darteed, dunida hore u martay waxaa ay hayaan ugu jiraan danahooda iyo kolba halka uu roobku ka da’o. Waxaana loo tartamayaa barwaaqada ka soo karaysa Geeska Afrika iyo dalakii lagu duudsiyay in ay saami ka helaan webi ka soo rogmanaya dhulkooda. Isbedelkan cusub waxaa uu sii laciifinayaa danihii laga lahaa Masar.

5. Masar waxaa labo-duble u xidhaya duruufaha ku gedaamin iyo colaadaha ka ooggan gudahooda. Maanta, ma muuqdo itaal iyo talo ay shisheeye wax kula qaybsan karaan. Waxaana ay qarka u saaran yahiin inuu dalku ku soo dhaco god madow, xukun la’aan, dagaal sokeeye iyo kala qaybsanaan.

Dhammaan qoddobada aan soo dareerinay waxaa ay ka marag-kacayaan taladii biyaha Niil-ku inay u gacan-gashay Ethiopia. Hase ahaatee, sida ay sheegeen madaxda dalkaasi ma rabaan inay u tafo-xaytaan sedbursi iyo inay ka aar-goostaan gabbood-falka ay tirsanayeen. Waxaa ay sheegeen in ay yahiin jid-bixiye iyo in ay oggol yahiin sidii biyaha looga wada faa’iidaysan lahaa.

Ra’iisal wasaarahii hore ee Ethiopia, Atto Meles Zenawi mar uu wareysi siiyay Telifishanka Masar, 2010, waxaa uu sheegay xal u helidda muranka biyahu in ay ku iman karto cadaalad iyo wax qaybsi. Waxaa uu ballan qaaday qorshaha dalkiisu in aanu ku salaysnayn dhinaca khasaara iyo dhinaca faa’iida (zero-sum). Zenawi waxaa uu soo jeediyay si loo wada dhan yahay in looga arrinsado Niil-ka, iyo in loo qaybsado si loo wada siman yahay.

Hase ahaatee, waxaa uu ka digay in ay Masar la timaado aragtidii Qarnigii 19aad iyada oo lagu jiro Qarnigii 20aad. “Biyaha Niil-ku, 85%, waxaa ay ka soo rogmadaan dalkayga mana dhici doonto in aannu ka oomanaano. Taasi waa taariikh hore, waxaa ayna ahayd arrin soo jirtay. Balse hadda iyo waxii ka danbeeya ma aha Masar inay u fekerto sidii Qarnigii 19aad innaga oo ku jirna Qarnigii 20aad,” ayaa Meles Zenawi u sheegay xukuumadda iyo shacabka Masar isagoo ka la hadlay Telifishanka Masar. Waxaana uu hoos ka xarriqay inuu jiro xal guul u noqda labada dhinacba (win-win alternative).

Sidaa ayay u muuqataa aragtida toosan ee labada dal kaga badbaadi karaan dagaalka biyood, laguna badbaadin karo inyar-garatada u heellan colaad aan waxba uga shan iyo toban ahayn (proxy war).

Aragtida Somaaliland ee Niil-ka, xidhiidhka ka dhexeeya Somaaliland iyo Ethiopia iyo sida ugu habboon ee loo sii wanaajin karo iskaashiga labada dal waxaad ka akhrin doontaa qaybta 9aad oo noqon doonta gunnaanadkii qormooyinka Colaadda Biyaha Niilka iyo Saamaynta geeska Afrika.

Xassan Cumar Horri waa suxufi ka faallooda arrimaha Geeska iyo Bariga Dhexe. Kala xidhiidh horri@somalilandsun.com ama ku tixraac @horrimania

Comments are closed