Masar : Nin Rasaas Qudha Kaga Jaray Gabadhiisii Iyo 5 Carruur Ah Oo Uu Dhalay Iyo Walaashi !
Qahira 03. February 2017 (SDN/QJ):- Dalka Masar ayaa muddooyinkan danbe waxa ku soo badanaya falalka foosha xun ee ka dhex dhaca bulshada dhexdeeda, waxaana toddobaadkan aynu ku jirno uu wiil u dhashay Dalkaasi uu qudha ka jaray Hooyadii oo Salaada Subax u kicisay, halka shalayna uu Dil kale oo aad u fool xun uu ka dhacay, kaasi oo nin u dhashay Dalkaasi oo beeralay ahaa uu hal mar Qudha ka wada jaray Xaaskiisii iyo 5 carruur ah oo uu dhalay iyo waliba walaashi.
Falkan aadka u foosha xun ayaa waxa uu ka dhacay Gobolka Qena ee dalkaasi Masar Ninka ku kacay falkan oo la yidhaa Mohmed Salaax ayaa waxa uu xabad ku furay ubadkiisii iyo xaaskiiisi iyo walaashii oo kula noolaa gurigiisa, isaga oo ku furay rasaas.
Ciidammada dalkaasi ayaa sheegay in ay ninkan gacanta ku dhigeen, balse markii ay wareysi la yeesheen ayaa waxa uu bilaabay inuu qoslo muddo yar kadibna waxa uu bilaabay inuu Ooyo, mar kalena waxa uu dib u bilaabay qosolkii, ilaa iyo haatan lama hayo sabab xaqiiqo ah oo uu ninkani ku dilay Qoyskiisa, waxaana socda baadhitaan.