Masar iyo sanad ka dib kacdoonkii Shacabka
Qahira Jan 25,2012(qurbejoog.com)-Waxa guud ahaan dalka Masar maanta looga dabaaldegay sanadguuradii koowaad ee ka soo wareegtay kolkii dadka dalkaasi ay kacdoon shacab oo xilkii ka tuuray keligii taliyihii dunida ugu xooga weynaa.
Beerta Taxriir oo ah goobta caanka ku noqotay kacdoonkaas ayaa maanta waxa buux dhaafiyay shacab kala taageersan kooxaha siyaasadeed ee kala duwan ee iminka u tafo xeytay in ay soo dhisaan xukuumada soo socota.
Dhan waxaad arkeysaa Kooxaha diimeed ee itaalka badan ku leh siyasada dalka iyo kuwa u dagaalama xuquuqda aadanaha iyo weliba dhalinta aan isbdelada ku qanacsaneyn oo wada dabaaldegaya.
Ciidamada dalka Masar ayaa haatan u muuqda qaar ay ku xidhantahay rajada siyaasadeed ee dalkaasi bacdamaa ay weli gacantooda ku jirto awooda siyaasadeed.
Ciidamadu waxa ay qabteen doorashooyinkii aqalka Baarlamaanka waxaana looga fadhiyaa in ay qabtaan ta madaxweynaha dhawaan.
Ka dibna waa in ay xilka ku wareejiyaan cidii la doorto,waxase dhici karta in ciidamadu ay ku adkeystaan in ay sii hayaan awoodaha siyaasadeed qaarkood waana taa ta dad badani iminka walkaac ka muujinayaan.
Reer Galbeedka qudhoodu waxa ay walwel ka muujinayaan awoodaha siyaasadeed ee iminka ku ururaya gacmaha kooxaha Islamiyiinta ah ee mudada dheer ku hoos jiray cagta dawladii keligii taliye Xusni Mubarak.
Si kastaba ha ahaatee waxa hawlo fara badani u yaalaan kooxihii kacdoonka ku riday dawladii ugu xooga weyneyd dalalka Islamka iyo kuwa Carabtaba.
Qurbejoog-Qahira
contact@somalidiasporanews.com