Masar iyo Faransiiska oo ka wadahadalay arrimaha Soomaaliya
Qahira (QJ) – Madaxweynaha Masar Al Sisi oo khadka taleefoonka kula xiriiray dhiggiisa Faransiiska, Emmanuel Macron, ayaa xusay in Masar ay ka shaqeyneyso sidii Soomaaliya ay uga taageeri laheyd xaqiijinta ammaanka iyo xasiloonida.
Al Sisi waxa uu sheegay in taasi lagu gaari doono “iskaashi laba geesood ah” oo ay horey ugu heshiiyeen Muqdisho iyo Qaahira ama ka qeyb galka howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya.
Madaxweyne Sisi waxa kale oo uu intaa ku daray in uu si dhow ula socdo heshiiskii ay dhawaan wada gaadheen Itoobiya iyo Soomaaliya oo uu Turkigu fududeeyey, isagoo rajo ka muujiyey in heshiiskani uu qayb ka qaadan doono xasilinta Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka Geeska Afrika, isla markaana uu noqdo mid waafaqsan shuruucda caalamiga ah.
Madaxweynaha Faransiiska oo lumiyay saameyntii ciidan iyo siyaasadeed ee uu ku lahaa Afrika, ayaa dhawaan la kulmay Abiy Axmed, iyagoo ka wada hadlay xiisadaha sii kordhaya iyo waxa Masar ay ugu yeertay dabeecadda aan gorgortan ka geli karin ee amnigeeda qaranka iyo xasiloonida Badda Cas.
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa shaaca ka qaaday in Soomaaliya iyo Itoobiya ay gaareen heshiis lagu xalinayo khilaafkooda, kaasoo socday tan iyo bilowgii sanadkan, iyadoo Ankara ay dhexdhexaadineysay heshiiska.
Xiisada u dhaxeysa Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa cirka isku sii shareereysay tan iyo bishii Janaayo, taasoo ka dhalatay heshiis dhexmaray Itoobiya iyo Somaliland oo ku saabsanaa isdhaafsiga marinka badda iyo aqoonsiga.