|

Masar : Haweenay Facebook Kale U Samaysatay Ninkeeda Si Ay Ula Socoto Dhaqdhaqaaqiisa Dhinaca Haweenka Iyo Wacdaraha Ka Soo Gaadhay !

Qahira 30. March 2017 (SDN/QJ):- Baraha bulshada ayaa waxay sabab u nqodaan dhibaatooyinka kala haysta qoysas aad u tira badan oo guud ahaan Adduunka ka nool, haddaba haweenay u dhalatay Dalka Masar oo magaceeda la yidhaahdo Asma Mursi ayaa waxay shabakada wararka ee Al-arabiya siisay wareysi ay ku cadaysay in sababta uu wajigeedu u baaba’ay isla markaana ay ula kulantay dilka iyo dhibaatada uu ninkeedu kula kacay ay tahay Facebook.

Asma ayaa waxay tidhi “Ninkayga magaciisu waa Mustafa Ra’fat waxaanu ka shaqeeyaa xarunta Sennors Center ee lagu kala iibiyo alaabaha loo Iib geynayo Dalka debadiisa iyo sidoo kale alaabaha soo galay Dalka ee ku taalla gobolka Fayum, waxaanu igu tigtigay xadhig uu sariirta ku xidhay, waxaanan halkaasi ku xidhnaa muddo sadddex maalmood ah oo uu wajiga dhirbaaxo igala dhacayay, marar kalena jidhkayga intiisa kale ayuu igala dhacayay Ul looxa, isaga oo ii diiday in aan wax cuno ama cabbo”.

Asma ayaa waxay arrintan ku sheegtay inay facebook ka furatay Account cusub oo ay kula hadli jirtay ninkeeda isla markaana sababta ku kaliftay ay ahayd ninkeed oo aad u naago badnaa, markii ay samaysatayna waxay ku darsatay ninkeeda oo ay Account-kiisa marka horreba ay haysay oo ay garanaysay, balse markii ay ku darsatay ee ay wada hadleen ayuu noqon waayay sidii ay moodaysay waanu ka gaabsaday markii ay shaki baxday ee ay ogaatay in aanu ku jirin hawlahaasi ninkeedu way aamintay, waxaanay u sheegtay in qofkaasi uu yahay iyada, laakiin Mustafa ayaa cadho uu kaa qaaday waxa uu wajigeedii ka yeelay mid aan la eegi karayn.

Haddaba, dhibaatadan ayaa ah mid muddooyinkan danbe ku soo badanaysa Dunida waxaanu facebook maalin walba gallaaftaa xidhiidhka dadka wada nool haddii ay tahay lammaane is qaba iyo Asxaab ba.

Comments are closed