|

Masaajidkii Ugu Horreeyay Dunida Ee Laga Sameeyo Dhagaxa canbarka oo hadba meel Loo rari karo !

Dubai 05. May 2017 (SDN/QJ):- Magaalada Dubai ee Dalka Imaaraadka Carabta ayaa lagu soo bandhigay Masaajid cusub oo dhawaan la sameeyay oo ka samaysan dhagaxa loo yaqaano Canbarka, waxa kale oo aad u layaab badan in Masaajidkani uu yahay mid guurguuraya oo hadba meeshii la doono la geyn karo.

Masaajidkan ayaa noqday kii ugu horreeyay ee laga sameeyo Dhagaxa Canbarka waxaana si toos ah loogu soo bandhigay Macrad ka socday Dhismaha loo yaqaano Burj Al-Carab ee Magaaladaasi Dubai, waxaana dhismahani sameeyay Injineero ka tirsan shirkada la yidhaahdo Amber Palm Group ee ku caan baxday Samaynta dhismayaasha iyo qurxinta ka samaysan Dhagaxa Canbarka.

Afhayeen ku hadlay Magaca shirkadaasi ayaa waxa uu yidhi “Waa tallaabo aad u wanaagsan oo aan hore loo fulin Canbarku waa dhagax aad u wanaagsan oo adeegsigiisa iyo faa’iidooyinka uu leeyahay aan hore loo ogaan, balse anagu ka shirkad ahaan waxaanu had iyo jeer isku daynaa in aan Dadka gaadhsiino faa’iidada uu leeyahay dhagaxa Canbarku iyo in wax wanaagsan oo tayo leh laga samayn karo“.

Afhayeenku waxa kale oo uu intaasi ku daray “Run ahaantii waxay dad badani la yaabayaan in la sameeyay Masaajid guurguuraya, laakiin si toos ah ayaanu u hirgalin doonaa mashruucaasi,  waana laga faa’iidaysan doonaa waxaanan Dadka u sheegayaa in hadda oo kaliya la soo bandhigay, balse si toos ah suuqyada loo soo galin doono”.

Aqoonyanahada ka soo jeeda Dalkaasi Imaaraadkaa ayaa isku daya inay Fikrado Cusub Caalamka kusoo kordhiyaan, waxaanay dhawr bilood ka hor soo saareen Masaajid la hana qaadaya Tiknoolajiyada ‘Smart Mosque”.

Comments are closed