Masaajidka Barakaysan ee Al Qudus oo Maalintii Sadexaad Xidhan Kadib Markii ay Ciidamadda Yuhuudu Xidheen Isla Markaana Diideen In Lagu Tukado lagana Eedaamo
Quddus 16. July 2017 (SDN/QJ):- Maalintii Sadexaad ee xidhiidh ah ayaa ciidamada ammaanka ee Israa’iil waxa ay ka mamnuuceen Masaajidka barakaysan ee Alqudus in laga adimo ama lagu tukadaba, iyagoo ciidamada yuhuudu u diiday inay falastiiniyiinta aan deganayni ay u gudbaan dhanka xaafadda qaddiimka ah ee magaaladaasi Quddus oo uu ku yaallo masaajidka barakaysan.
Iimaamka Masjidka Aqsaa sh Akramah Sabri oo u waramay Wakaalada Wararka ee Anadol waxa uu sheegay in maalintii Sadexaad ee xidhiidh ah ay ciidamada Yuhuudu ka mamnuuceen culimadii masaajidka iyo dadkii ku tukan lahaaba inay masaajidka galaan, isagoo intaa ku daray in talaabadani tahay tii ugu horaysay ee nooceeda ah ee ay israa’iiliyiintu sameeyaan tan iyo intii ay qabsadeen Magaalada Quddus sanadkii 1967.
Boqolaal ka tirsan ciidamada booliska ee israa’iil ayaa lagu daadiyey marinada laga galo xaafada qaddiimka ah ee Quddus ee Masaajidkuna ku yaalo, kuwaasoo dhigay jid gooyooyin kana mamnuucay inay dadku u soo gudbaan ama ka baxaanba, iyadoo mamnuucidaasi keentay inay ganacsato badani soo gaadhi kari waayaan meheradahoodii ganacsi.
Maamulka falastiiniyiinta iyo dawlada Urdun ayaa tan iyo jimcihii doraad waxay wadeen dadaalo ay kula xidhiidhayaan beesha caalamka si culays loogu saaro Israa’iil inay furto masjidka baytul Qudus oo maalintii Sadexaad xidhan.