Masaajid ku yaal Canada oo la weeraray(SAWIRO)
Montreal Sept 13.2013(SDN)-Masaajid ku yaal magaalada Montreal ee dalkan Canada ayaa maalinimadii shalay waxa weeraray dad sheegtay in ay neceb yihiin muslimiinta ah ee magaaladaasi ku nool.
Dadkan aan is cadeyn cida ay yihiih ee weeraray masjidka ayaa sidoo kale waxa ay macbadka u direen qoraal karaaajiyo said ah xamaarsanaa iyo faahfaahin ay weerarkooda ka bixiyeen.
Masaajidka ayaa saqdii dhexe waxa lagu qubay maasaajidka gidaarkiisa dhiig xayawaanka doofaarka laga soo shubay,sida lagu sheegay qoraalka.
“Masaajidka waxaanu idiinku wal qalaydhiiga doofaarkaàyaa lagu yiri qoraalkan neceybka xanbaarsan ee masjidka loo soo diray.
Xiisad arinkan ka dhalatay ayaa aad warbaahinta dalkan Canada ay haatan u hadal heysaa saacadihii ina haafay.
Gobolka Quebec ee magaalada Montrealna ay ku taalo ayaa hore waxa looga mamnuucay xirashada xijaabka dumarka,haatana waxa dawlada Gobolku ay gacanta ku heysaa shuruuc mamnuuceysa dhamaan astaamaha diimaha in lagu arko goobaha shaqo ee dawlada.
Arimhan isbiirsaday ayaa waxa walaac ka muujiyay dadka soogelootiga u badan ee diimaha kala duwan heysta ee gobolkaasi ku nool.
Si kastaba ha ahaatee ciidamada booliiska ee Montreal ayaa haatan wada baaritaano ay ku sameynayaan cidii ka danbeysay falkan ay geysteen denbiileyaasha.
SDN-Montreal