|

Masaajid Dalka Sucuudiga Ku Yaalla Oo Weerar Ismiidaamin ah Lala Beegsaday iyo Tirada Dhimashada

Riyad:Aug,07,2015(SDN/QJ)-Qof isa soo miidaamiyey, ayaa Gudaha u galay masjid ku yaalla Dalka Sucuudiga, waxana Halkaas ku dhintay Ugu yaraan 15 ruux, halka ay ku dhaawacmeen Sagaal ruux oo kale.

saorQaraxan oo ka dhacay magaalada Abhaa ee koofurta Sacudi Carabiya ayaa waxaa si gaar ah lala beegsaday masjid ay ku tukadaan ciidamada gaarka ah ee ciidanka qalabka sida ee Sacuudiga.

Afhayeen u hadlay wasaarada arrimaha gudaha ee Sacudi Carabiya, ayaa sheegay in weerarkan qaraxa uu dhacay  shalay salaadii duhur magaalada Abha oo ku taal gobolka Asir oo ku dhow xadka dalka Yemen.

12-kamid ah dadka ku dhintey qaraxan ayaa ka mid ahaa Unug si gaar ah u tababaran oo loo yaqaan SWAT halka dadka kale ee wax ku noqday ay ka mid ahaayeen shaqaalaha xero ay ciidamadu ku leeyihin magaalada Abha.

Ururka ISIL ayaa sheegtay weerarkan ismiidaaminta ah iyadoo hay’adaha wararka u qaabilsan Sacudi Carabiya ay hore u sheegeen in 17 ruux ay weerarkan ku dhinteen.

Weerarkan ismiidaaminta ah ayaa ah kii ugu qasaaraha badnaa ee ururka ISIL ay ku qaadaan Boqortoyada Sacudi Carabiya.Bardhamihii bishii July ayaa bam gaadhi lagu soo xidhey uu ku qarxay bar kontarool oo ku taal meel ku dhow xabsiga magaalada Riyad waxaana ku dhintey darawalkii gaadhiga halka ay ku dhaawacmeen laba askari oo Boolis ah.

Bilihii la soo dhaafay dalka Sacuuidga ayaa waxaa uu horseed ka ahaa ciidamada xulufada ee taageeraya dowladda Yemen, waxayna weerar xagga cirka ah ku qaadayeen deegaanadda Mucaaradka xuutiyiinta.

 

SDJ/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed