|

Marxuun Cabdi Weli Faarax Jaanbiir oo ka Mid ah Tiirarka Saxaafada Somaliland oo Maanta Hargaysa ku Geeriyooday

Hargaysa 06.Aug 2014 (SDN/QJ)- Allaah ha u naxariistee Suxufigii weynaa ee Cabdiwali Faarax Jaambiir, ayaa galabta ku oo ay bishi tahay 6-da bisha 8-aad ee sannadka 2014-ka ku geeriyooday Cusbitaalka New Hargeysa ee magaalada Hargeysa oo uu toddobaadyadii ugu dambeeyey u jiifay Xanuun.

Marxuun Cabdi Weli Faarax Jaanbiir

Marxuun Cabdi Weli Faarax Jaanbiir

Allaah ha u naxariistee, Cabdiwali Faarax Jaambiir, ayaa ahaa mid ka mid ah dadka aqoonta Saxaafadda leh ee muddada ka soo shaqaynayey Warbahainta kala duwan ee dalka Somaliland, isagoo ka soo shaqeeyey Wargeysyada Jamhuuriya, The Repuplican, Telefeshinkii ugu horreeyey ee Somaliland laga hirgeliyo ee Somaliland TV oo markii dambe magiciisa loo beddelay Somaliland Space Chenal, waxaanu markii dambe illaa 2006-dii ka shaqaynayey Wargeyska Ogaal oo uu abuuray Walaalkii Muuse Faarax Jaambiir, kaasoo uu markii dambe Guddoomiye ka noqday.

Cabdiwali Faarax Jaambiir waxa muddada uu Saxaafadda Somaliland ka shaqaynayey lagu bartay soo saarista Barnaamijyo xiiso badan oo taariikhda Ururkii Dhaqdhaqaaqa Waddaniga Soomaaliyeed ee SNM iyo sidii ay dalka ku xoreeyeen, isla markaana waxa kale oo uu caan ku ahaa baahinta iyo diyaarinta Barnaamijyo Taariikhda dalalka Caalamka ah, Turjumaadda Buugaag kala duwan oo aad loo jeclaysan jiray wakhtigii uu waday iyo Curinta Sheekooyin Dhab ah oo uu qori jiray.

Waxa kale oo uu Marxuum Cabdiwali Faarax Jaambiir caan ku ahaa oo uu ka mid ahaa Macallimiinta aqoonta badan leh, isla markaana soo saaray Jiilal badan oo kala dambeeyey, waxa uu wax ka dhigi jiray Iskuullada dawliga ah bilawgii 2000, waxa kale oo uu kaga sii magac iyo milgo weynaa Dugsiyada gaarka loo leeyahay ee Nuura-diin, Dugsigii Waaberi, Aflax iyo kuwo kale oo uu ka dhigi jiray Luuqadda English-ta (Ingiriisida), isla markaana Arday badani ka aflaxeen, aadna ay Ardaydu u jeclayd wax dhigistiisa iyo fahansiinta casharrada, maaddaama oo uu Hodan ku ahaa Luuqadaha Ingiriisida iyo Soomaaliga.

Allaah ha u naxariistee waxa uu Cabdiwali Faarax Jaambiir hirgeliyey ama sida Ugxanta ama Beedka u dillaaciyey dhalinyaro kala duwan oo maanta ka tirsan Suxufiyiinta ka hawlgala Warbaahinta kala duwan ee dalka iyo Warbaahinta caalamiga ah, sida Idaacadaha BBC-da, VOA-da, TV-yada kala duwan, Wargeysyada iyo Website-yada ama Shabakadaha wararka ee Somaliland, kuwaasoo uu si weyn oo hagar la’aan ah u soo gacan-qabtay muddadii uu Bahda Saxaafadda Somaliland ka tirsanaa.

Marxuum Cabdiwali Faarax Jaambiir, ayaa ahaa nin Dabeecad furfuran oo kaftama, isla markaana dadka u fiicnaa, inkasta oo uu dhawrkii sannadood ee u dambeeyey xanuunsanayey oo aanu aad uga dhex-muuqan Warbaahinta, waxa ay tiisii noqotay Allaah ha u naxariistee maanta oo uu ku geeriyooday Cusbitaalka New Hargeysa oo ku yaalla Xaafadda New Hareysa oo ka tirsan degmada Gacan-libaax ee Caasimadda Hargeysa.

Allaah ha u naxariistee Marxuum Cabdiwali Faarax Jaambiir, waxa uu muddadan dambe u jiifay Xanuunka Joonis-cadka (Hepitits B), kaasoo uu maanta u geeriyooday. Marxuumku wax Carruur ah ifka kagama tegin, waxaanu guursaday laba Xaas oo ay midkood kala-tageen, Haweenayda labaad-na ay hadda wada-joogeen. Hase-yeeshee, Cabdiwali waxa lagu xasuusan doonaa waxa uu ku tabcay oo uu soo saaray dad badan oo weliba u badan dhalinyarada reer Somaliland ee kacaamay bilawgii sagaashamaadkii, kuwaasoo ay wax-barashada isku soo gaadheen.

Isla markaana aqoon, dhiirrigelin, gacan-qabasho iyo wax la-qabashaba uu ugu deeqay. Waxa uu ahaa ruux qalbi wanaagsan oo jecel in qofkastaa horumar gaadho, isla markaana aad u dhiirrigeliya oo si weyn ula talin jiray dhalinyarada uu arkay inay dedaalayaan, kuwa dedaalkoodu kooban yahayna kula talin jiray inay dedaal muujiyaan oo ay higsadaan kuwa hadba muraayadda ama hormuudka u ah ee iyaga ka horreeyey, isaga oo si cilmiyan ah ugu sheekayn jiray dadka uu wax u sheegayo.

Illaahay Naxariistii Janno haka waraabiyo Marxuum Cabdiwali Faarax Jaambiir, waxaannu haddaannu nahay Bahda Warbaahinta Qurbejoog.com ALLAAH uga baryeynaa Cabdiwali inuu Naxariistii Janno ka waraabiyo, Samir iyo Iimaan Saadiq ahna ka siiyo Qoyska, Ehelada, Qaraabada, Asxaabta iyo Guud ahaan Bahda Saxaafadda Somaliland. Aammiin…..Aammiin….Aammiin. Innaali-laahu Wa-innaa-ileyhi Raajucuun. Allaah baa innoo sheegay in Nafkastaa ay dhadhamin doonto geerida malain ka mid ah maalmaha ay adduunyada ku sugan tahay.

Hargaysa SDN/QJ

Hargeisa Somaliland

 

Comments are closed