|

Marxuum Rashiid Balluu Ibraahim Oo Intii Uu Noollaa Kaga Sheekeeyey Shakhsiyadiisa Fanneed Ee Taxnayd 1948-Kii Illaa Uu God-Galay 2017 Taas oo dhan 69 Sano

Hargaysa 30. April 2017 (SDN/QJ):- Alla ha u naxariistee Fannaankii caanka ahaa ee Rashiid Balluu Ibraahim ayaa aas qaran loogu sameeyey magaallada Hargeysa,kadib markii habeen hore saqdii dhexe uu si kedis ah u geeriyooday.

Alla ha unaxariistee Rashiid Balluu Ibraahim Cali oo ahaa fannaan weyn oo muddo ka badan lixdan sano ku soo dhex jiray fanka Soomaaliyeed, isaga oo fanka ku bilaabay fankiisa dhinaca muusiga Radio Hargeysa markii ingiriisku furay sanadihii afartameeyadii, sida uu marxuumku ku sheegay waraysi intii uu noollaa laga qaaday dhawr sanno ka hor, kaasi oo Weriyaha BBC-da ee Hargeysi Axmed Siciid Cige kaga waraystay taariikh-diisa fanned iyo ta qoyskiisaba.

Kuma Ayuu Ahaa Rashiid Balluu Ibraahim, Asalkiisu’se halkuu kasoo jeeday?.

 

Alla ha u naxariistee Marxuum Rashiid isirkiisu wuxuu ahaa Hindi oo aabihii Balluu Ibraahim wuxuu magaalada Saylac yimid 1886 wuxuunu guursaday haweenay Soomaali ah.

Waa abwaankii curiyay heesta Radio Hargeysa astaanta u ah ee ay hawada ku soo gasho kagana baxdo ee ” Halkani waa Hargaysoo Hirarka gaaban idin kala hadlaysee habeen wanaagsan”.

Allah ha u naxariisktee laxannada caanka ah ee uu sameeyay waxaa ka mid ah kuwa lagu qaaday heesaha ay ka midka yihiin “Indho Deeralay”, “Madheedhaale iyo hawd”, “Waan daalee” oo ka mid ah heesaha ay qaadaan fannaaniinta haldoor ka ah ee Soomaalidu. Rashiid Bullo wuxuu ka tirsanaa ilaa hadda oo uu geeriyooday shaqaalaha Radio Hargeysa, oo wuxu maamule ka ahaa qolka kaydka cajaladaha.

Rashid Bullo wuxuu ka mid yahay fanaaniinta mudo ka badan nus qarni ku soo jiray fanka Soomaaliyeed.

Heesaha uu leeyahay ee ugu caansan waxaa ka mid ah heesta Adigaa Haweeyaay, iyo hees lagu xidho idaacada Radio Hargaysa ee la yidhaahdo ‘Tani waa Hargaysa oo hirarka gaaban idinkala hadlaysa ee habeen waneegsan’.

Rashid Bullo wuxuu fanka ka bilaabay garaacida muusiga isagoo markii danbana noqday heesaa iyo mu’alif caan ah. “Anigu sanadkii 1948-kii ayaan Muusiga ka soo bartay Jabuuti, gaar ahaanna qalabka looyaqaanno Dhexyarta,dabadeed 1952kii ayaan Taar-dheere [xaruntii hore ee Idaacadda radio Hargeysa ay ku taallay sanadihii afartannaakii] imi, dabadeed musiishan dhexyarta yaqaanna ayaa ingiriisku shaqada igu qoray oo halkaas baan ka soo bilaabay fanka”.

Sidaas ayuu alla ha u naxariistee Marxuumku ku yidhi waraysiga uu Axmed Siciid cige ka qaaday kal-shannaad, waxanu intaa ku daray isaga oo ka sheekaynaya heerarka uu fankiisu soo maray iyo markii uu heesaha bilaabay “horta marka hore Mullaxam baan ahaa oo samaynta codadka heesaha ayaan riwaayadaha u samayn jiray, laakiin heestii iigu horeysay waxay ahayd tartan idaacadda lagu qabtay oo Cabdiraxmaan Caabi oo isagu ahaa maamulihii idaacadda Radio Hargeysa intii aan xorriyada la qaadan uuyidhi waxaa loo baahanyahay hees Idaacadda lagu xidho marka ay hawada ka baxayso, kadib fanaaniintii baa la yidhi heeso soo sameeya, heeso ayay soo sameeyeeen dabadeed anigoo musishan ah baan anna farta taagay oo aan idhi hees baan samaynayaa, waxaanan sameeyey heesta ay midhaheeda ka mid yihiin:

Tani waa Hargeysoo

Hirarka gaaban

Idinkala hadlaysee

Habeen wanaagsan!!!

+++++

Waan hoyanayaaye

Habeen wanaagsan

Waan kula hayaaye

Habeen wanaagsan

+++++++++

Haddaad habowdo

Hirkaad ogayd baan

Kahelaysaaye

Habeen wanaagsan”.

 

Heestaas baa ahayd tii iigu horeysay ee aansameeyo, xilligaas waxaanka tirsanaa kooxdii Walaalaha Hargeysa iyo kooxdii Idaacadda Radio Hargeysa, waxaa iigu xigtay heesta kale ee Haweeya, ee tidhaahda:

Adaa Haweeyaay,

Halbawlahayga,

Gudin ku heeroo

Waad howl badnaatoo

Waad ii hilaacdee

Xaggee habooneey

 

Lagaa helaa”, heestaas oo aan angu ku luuqeeyo”. Sidaas ayuu yidhi alla ha u naxariistee marxuumku.

Comments are closed