|

Marwo Sahra: “Hooyo Qaran oo u Hagar-baxday Daryeelka Danyarta, Agoomaha & Derbi-jiifka Soomaaliyeed..” Warbixin DAAWO

Muqdisho 15. Janaury 2017 (SDN/QJ):- Haweenka Madaxweyneyaashu waa Hooyooyinka Shucuubta Dawladdaha adduunka, waxaanay udub-dhexaad u noqdaan la-dagaalanka dhibaatooyinka Haweenka, Carruurta iyo danyarta Dawladaha Caalamka ku hoos-nool.

Madaxweyneyaal badan oo dunida soo maray ayaa xaassaskoodu ku caan baxeen Daryeelka Carruurta iyo Dad kale ee tabaalaysan. Kuwa kale ayaa xilal muhiim ah ka qabtay Dawladaha ay madaxda ka yihiin Raggoodu, waxaana arrintaas sababteeda loo nisbeeyaa sida ay Haweenkaasi ugu darbannaayeen horumarinta arrimaha Bulshada.

Sidaas darteed, Marwo Kasta oo Madaxweyne waxa lagu qiimeeyaa hadba sida ay uga shaqayso horumarinta Bulshada ay hooyada u tahay, taasoo sumcad iyo sharaf u noqota Madaxweynaha talada haya oo kaga nasta howlo badan oo ay iyadu gaar u maamusho.

Wallow aanay Inta badan Haweenka Madaxweyneyaashu si toosa uga muuqan arrimaha maamul iyo hogaamineed ee dowlada, haddana waxa xaqiiqo ah inay saameyn weyn ku leeyihiin qorsheyaasha iyo jaan-goynta siyaasaddeed ee Madaxweynaha.

Marka laga yimaado dhinacaa Siyaasada, Mashaariicda ay Haweenka Madaxweyneyaashu maamulaan waxa kamida Sanduuqa Agoomaha Qaranka, Deeqaha ay bixiyaan Hay’addaha samo-falka ee Madaxweynuhu, adeegyada Caafimaadka, siiba Cisbitaalada iyo goobaha Waxbarashada dadban ee Dawliga ah.

Haddaba, marwada 1aad ee Madaxweynaha Soomaaliya Sahra Cumar Xasan waa qof noocee ah, door intee le’eeg ayay kaga jirta dedaalka dib u dhiska dalka, ma tahay Marwo Hogaanka dalka lagu qiimeeyo horumarka ay samaysay, mase tahay Hooyo dareensan dayaca, darxumada iyo diifta ay qabaan ubadka iyo Hooyooyinka Soomaaliyeed.

Dhamaan su’aalahani waa kuwo u baahan jawaab ka timaada mujtamaca dhexdiisa, inkasta oo aanay qasab ahayn in dadkoo dhami uga dareen celiyaan si isku mida, balse ay ku kala aragti duwanaan karto Bulshadu, wallow dadka badankiisu rumaysanyihiin inay tahay hooyo ku guulaystay howlo badan oo qayb ka ah kaalinta kaga aaddan dib u soo celinta Dawladnimada iyo dhismaha waddanka.

Marwo Sahra Cumar Xasan , waa Muwaadinad tan iyo bilowgii bur-burka Dawladnimoku suganayd gudaha dalka, kuna foognayd xilligii adkaa ee dagaaladu socdeen samato-bixinta dadkii ay dhibaatooyinku ka soo gaadheen Dagaalada iyo duruufihii ka dhashay dawlad la’aanta.

Waa Marwo furfuran oo dabeecad iyo naxariis badan, Karti iyo garasho masuuliyadeed-na alle hibo u siiyey, iyadoo inta badan bulshada ku boorisay inay gacmaha is-qabsadaan oo ay is-caawiyaan, taasoo ah hal-ku-dhig ay mar walba ku cel-celiso oo muujinaya lexe-jeclada iyo naxariista ay u qabto Shacbigeeda.

Sidaasoo ay tahay Marwo Sahra waxay afartii sannadood ee la soo dhaafay kaalin mug iyo miisaan leh ka ciyaartay oo ay bud-dhigtay dedaal lagu horumarinayo dan-yarta soomaaliyeed, taasoo ah higsi iyo himilo cusub oo bilow wanaagsan ku hir-gelay, una baahan in la sii laba jibaaro, si loo balaadhiyo Midho-dhalkaas.

Waxqabadka muuqda ee Marwo Sahra Cumar Xasan, waxa kamid ah dhaqan-celinta Dhalinyarada Soomaaliyeed, gaar ahaana ubadka yaryar ee Derbi-jiifka noqday, kuwaasoo ay u samaysay xarun weyn oo lagu daryeelo. Xaruntaasoo ay iminka ku jiraan boqolaal da’yar ah oo ku soo laabtay xayndaabka nolosha iyo mustawaha korineed ee Carruurta, taasoo kuwa ka faa’idaystaa ay wax la qaybsan doonaan facooda lagu barbaariyey guryaha ladan ama carruurta ay dhaleen Qoysasa ladani.

Sidoo kale waxa ay Marwadu dedaal badan u gashay sidii ay daryeel iyo dib u soo kabasho u heli lahaayeen Dadka naafada ah Soomaaliyeed, iyadoo markii u horaysay sanado ka hor ku dhawaaqday howl-gal daryeel loogu fidinayo Askartii iyo dadkii ku naafoobay Dagaaladii dalka ka dhacay sanadihii 77-kii iyo wixii ka dambeeyey, taasoo iyaduna noqotay howl waji cusub iyo nayaayiro u noqotay Dadka jilicsan ee aan helin gacan dawladnimo iyo taageero shacbi toona.

Dhinaca Qaybaha adeegyada aasaasiga ah ee Bulshada iyo danta guud, waxay ay marwo Sahro bilowgii muddo-xileedka Madaxweyne Xasan Sheikh, ka qabatay dib-u-dhis iyo dayac-tir lagu sameeyey xaumaha Caafimaadka ee waddanka, sida Cisbitaalada, Xanaannooyinka iyo goobaha kale ee la hal maala, kuwaasoo ay ku soo hogaamisay Hay’addo Caalami ah iyo kuwo Maxali ah oo aad u horumariyey inta badan xarumaha Caafimaadka.

Dhanka kale, waxa ay mashaariic kala duwan gaadhsiisay Gobolada dalka qaar oo ay dad danyar ah ugu qaybisay Hoy iyo mucaawimooyin kale oo daruuri ah.

Dhinaca kale, Marwo Sahra waxay Madaxweynaha iyo Hay’adaha kale ee Dowlada kala shaqeysay xogo-gaal u noqoshada xaalada Qaxoontiga Soomaaliyeed ee ku sugan wadamada dibada iyo la-tacaalida duruufaha ku gedaaman Maadata gudaha ku dhaqan ee ay dagaalada iyo dhaqaale xumadu aafaayeen, iyadoo booqasho ku tegtay Xeryaha qaxoontiga soomaalidu ku jiraan ee Kenya, Yemen iyo wadamo kale oo adduunka ah.

Mar ay booqasho ku tagtay wadanka Tansania waxa ay xabsiyada wadankaas ka sii daysay dad badan oo soomaali ah oo u xidhnaa inay sharci daro ku galeen dalkaas iyo eeddeymo kale oo fud-fudud. Waxa kale oo ay marwadu Kaalmooyin gaadhsiisay Qaxoontiga Soomaalida ee ku jiray Xeryaha Dhadhaab (Kenya), kuwaasoo ay la socodka xaaladahooda aad isaga xilsaartay.

Siyaasada iyo Haweenka

Dhanka Siyaasada iyo Maamulka Marwa Sahra, waxa ay haween badan ku dhiiri-gelisay inay madax la soo galaan Siyaasada iyo maamulka dowladnimo, iyadoo taas ku boorinaysa waxa ay sheegtay mar lagu waraystay Telefishanka Dowlada inay Haweenka Soomaaliyeed haystaan fursad ay kaga qayb-qaadan karaan dib u dhiska iyo horumarinta dalka iyo dadka.

Si kastaba ha ahaatee, Sahra Cumar Xasan, waxa ay Marwooyinka Madaxweyneyaashii hore ee dalka soo maray kaga duwantahay, iyadoo dan iyo duruufba la wadaagtay Shacbigeeda, muujisay-na waxqabad muuqda oo ay afartii sannadood ee madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud talada hayey dhidibada u taagtay. Sidaas awgeed waxa muuqata in haddii mar kale madaxweynaha dib loo doorto inay Marwo Sahra dhismaha kaabeyaasha Qaranka qayb-libaax ka qaadan doonto.

W/Q: Saleeban Cabdi Cali (Kalshaale)

Comments are closed