|

Marwo Nuura Axmed Waris oo loo Magacaabay Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ee 11 Gobol oo Waqooyiga Maraykanka ah

Hargaysa 22.June 2016 (SDN/QJ):- Marwo Nuura Axmed Waris oo ka mid ah qurba-joogga firfircoon ee reer Somaliland, ayaa dhawaan loo magacaabay inay noqoto Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ee 11 Gobol oo Waqooyiga Maraykanka ah.
Kulmiye iyo MagacaabisGuddoomiyahay xisbiga KULMIYE ee waddamada Mareykanka iyo Canada Mr. Mustafe Cabdi Cartan ayaa u magacaabay Nuura Axmed Waris iyo Injineer Axmed Cabdi Axmed inay noqdaan Guddoomiyaha iyo Guddoomiye-ku-xigeenka gobollada Waqooyi/bari ee Maraykanka.
War-saxaafadeedka magacaabista masuuliyiintani waxay u dhignayd sidan;
Markaan arkay xilka Gudoomiye iyo Gudoomiye-ku-xigeen Waqooyi bari ee Mareykanka iyo Muhiimadiisa:
Markaan la tashaday assaasayaashii Kulmiye ee Mareykanka oo ah Musdanbeedka Xisbiga ee ku nool Washington Dc iyo nawaxigeeda.
Markaanu aragnay Xilkasnimadooda Shaqo, kartidooda iyo Dednimadooda.
Waxaanu xilkaas Waqooyi Bari ee Mareykanka oo ah 10 Gobol iyo Caasimada oo kala ah “Washington dc, Virginia, Maryland, Delaware, Pennsylvania, New jersey, New York, Connecticut, Rhode Island, Massachusetts and Main”. U magacownay Gudoomiye Nura Ahmed Waris oo si buuxda ugu soo biirtay xisbiga Kulmiye iyo G/ku xigeen Injineer Axmed Cabdi Axmed, laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay May 16,2016.
Waxaanu u rajaynaynaa in Ilaahay ku garab galo xilkaas. Magacaabista xilkan ah Guddoomiyaha iyo ku-xigeenka xisbiga KULMIYE ee woqooyi bari ee Maraykanka, xil-gudasho fiican,” ayuu yidhi Guddoomiyaha KULMIYE ee Maraykanka iyo Canada.
Dhinaca kale, Marwo Nuura Axmed Waris oo hadda ku sugan caasimadda Somaliland ee Hargeysa, ayey soo soo dhaweeyeen madaxda xisbiga KULMIYE, iyadoo kulamo la qaadatay Guddoomiyaha, ahna murrashaxa Madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi iyo xubnaha hoggaanka xisbiga.

Comments are closed