Marwo Faysa Maxamed Oo Si Kulul U Cambaaraysay Xadhigga Xukuumaddu U Geysatay Marwo Luul Xasan Mataan
Hargeysa:29-Oct-2013(SDN)-Guddoomiyaha Garabka Haweenka ee Madasha wada-tashiga iyo Toosinta Qaranka Marwo Faysa Maxamed Muxumed, ayaa Si Kulul u dhaliishay Hannaanka ay xukuumadda Kulmiye Xabsiga ku dhigtay Madaxii Xarunta Derbijiifka Degmada Maxamed Mooge Marwo Luul Xasan Mataan.
Marwo Faysa Oo Maalintii shalay U warramaysay Qaar ka mid ah warbaahinta Dalka, ayaa tallaabo foolxumo ah ku sifaysay Xadhigga iyo Xil-ka-qaadista ay xukuumaddu iskugu dartay Marwo Luul Xasan Mataan oo tacab Badan Gelisay Xaruntan lagu xannaaneeyo Ubadka Derbijiifka ahaa oo Haatan Helay Hoy iyo Goobo ay wax ku Bartaan.
“waxa aan idiinku yeedhay inaan ka Hadlo Hannaankii Foosha xumaa ee ay Xukuumaddu ula dhaqantay Marwo Luul Xasan Mataan oo aniga Haween ahaan I damaqday, sida loola dhaqmayna waa qaab bani’aadamnida ka baxsan, maadaaama aanay Goobta ay faraha ku haysaa aanay ahayn Meel Xukuumadeed oo madaxweynuhu magacaabo.” Ayey Tidhi Marwo Foosiya Maxamed.
Sidoo kale waxa ay marwo Foosiya farta ku fiiqday Qaabka ugubka ah ee ay Xukuumaddu xadhigga ula tiigsaday Haweenaydan qaranka iyo dadka jilicsan u tafo-xaydnayd, waxana ay tidhi, “ iyadaa gacanteeda ku ururisay Carruurtaas Derbi jiifka ah oo dayactirtay, lamana Filaynin in haweenaydii wax qabatay haddana Xabsiga loo taxaabo, Markii horena waxa la xidhi jirey ragga, balse imika waxa ay maraysaa in Hooyooyinkii la xidhxidho oo wixii ay ku tacabtay lagu maago oo lagu xidho wax la qaadi karo ma aha.”
Marwo Faysa oo Hadalkeeda sii wadda, ayaa tidhi, “ Haddiiba qof looga maarmi waayo in meel laga qaado, waxa loo maraa hab sharci ah, waayo madaxweyneyaal baaba kala wareejista, waxase Caddaal darro ah in xabsi lagu ilaawo Haweenaydaas sharafta leh, sifihii ay inani lahaan jirtey iyo kii shaqada midna lama marinin. Maantana waxa la sheegayaa in goobtii derji jiifka lala wareegay oo waliba qaar ka mid ah dadkii shaqaalaha ahaa la dhaawacay, taasina waa Argagixiso, mana aha wax qof damqanayaa ku dhaqaaqo.”
Guddoomiyaha Garabka Haweenka ee Madasha wada-tashiga iyo Toosinta qaranku waxa kale dhaliilo kulul u soo jeedisay Isku Daygii dil ee Dhawaan lagula kacay Xildhibaan Maxamed Faarax Q abille oo ay ku tilmaantay mid fool xumo ku ah qaranka Somaliland, waxana ay xukuumadda ugu baaqday in wax laga qabto arrimaha noocaas oo kale ah ee waddanka ku soo noqnoqanaya.
Waxa kale oo ay Marwo Faysa Maxamed shacabka reer Somaliland ugu Baaqday inay Nabadooda ilaashadaan oo iska indho tiraan tallaabooyinka ay xukuumadu ku fadqalalaynayso Nabadda iyo deggenaanshaha waddanka, waxana kula dardaarantay inay Gaws-dambeedka ku qabsadaan Nabadda ay ku caano maaleen.
Marwo Faysa oo sidoo kale ah Marwada Mujaahid Cabdiraxmaan Cabdiqaadir, ayaa noqonaysa Marwadii labaad ee si toos ah uga hadasha Xadhigga lagula kacay Marwo Luul Xasan Mataan oo in muddo ah ku xidhan magaalada Hargeysa, waxana sidoo kale iyaduna dhinaceeda dhaleecaysay Xadhiggan Marwo Faadumo Siciid oo ka tirsan xisbiga Ucid.
S.D.N