Marwo Faadumo Siciid iyo Wefti ay Hoggaaminayo oo Si Ballaadhan Looggu Soo Dhaweeyey Magaalada Berbera DAAWO
Berbera 18.Dec 2015 (SDN/QJ):- Wefti miisaan culus ay hoggaaminayso La’taliyaha arrimaha dibadda ee guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Marwo Faadumo Siciid, ayaa si ballaadhan looggu soo dhaweeyey , si’ diiranna looggu qaabilay dulleedka magaalada Berbera.
Weftigan ballaadhan oo ay marwo Faadumo Siciid ku wehelinaayeen guddoomiye xigeenka 4aad ee xisbiga WADDANI, xoghayaha arrimaha gudaha, afhayeenka garabka dhallinyarada iyo xoghayaha guud ee garabka dhallinyarada heer qaranka e xisbiga WADDANI ugu damebynti loo gelbiyey xarunta dhaxe ee xisbiga WADDANI uu ku leeyahay magaalada Berbera, waxaana soo dhaweyntii ballaadhnayd ee weftigan ka qeyb-qaatay guddoomiyaha xisbiga WADDANI ee gobalka Maroodi-jeex, xubno ka tirsan mas’uuliyiinta heer gobal ee xisbiga WADDANI, dhallinyar, haween iyo taageerayaal aad u tira badan.
Ugu horeynna waxa munaasibaddaasi ka hadlay afhayeenka gobalka Saaxil ee xisbiga WADDANI Md.Axmed Cali, waxaana uu sheegay in ay ka gobal ahaan ay si diiran u soo dhaweynayaan weftiga ay hoggaaminayso Marwo Faadumo Siciid.