Marwada Madaxweyne Siilaanyo Oo Diiwaanka Taariikhdeeda Laga Soo Saaray Hadal Foolxumo Badan Oo Maalintay Ku Tiraabaysay La Qurux Badnaa
Hargeysa:Nov,02,2014(SDN/QJ)-Marwada Madaxweynaha Somaliland ayaa Xilligii Xisbiga Kulmiye Mucaaridka ahaa waxa diiwaanka Loo Geliyey Hadal maalintaas la qurux badnaa oo faan iyo waxtar la ahaa, balse Maanta la foolxumaaday.
Marwo Aamina Waris oo afmiishaanimo iyo codkarnimo caan ku ahayd ayey saxaafadda Somaliland si weyn u daba gashay weedho xanaf lahaa oo ay kaga dhawaaqday Magaalada Wajaale mar ay mar ay booqasho ku tagtay, waxana ay ku tiraabtay hadal ay ku beerlaxawsanaysay, balse ahaa qadaf iyo meel-ka-dhac iyo tiro shacab koobani ah Calankii xisbigii talada hayey ee Udub ugu xidheen Ey halkaas ku noolayd oo xilligaas hadal hayntiisa Badnayd.
Mawada qaranka, ayaa shacabkii kusoo dhaweeyey Wajaale xilli ay aqalka madaxtooyada Gudaha u gashay, waxa ay u sheegtay inay xasuusan tahay in reer Wajaale calankii xisbigii talada hayey ee Udub ugu xidheen Eyda, waxana ay tilmaamtay inaanay ilaawi Karin,
“Wajaale waxay ahayd meeshii carruurtu calanka Dudub ugu xidhay Eyda, waxana ay ahayd meeshii soo dhaweynteeda aanu la dhici jirney ee aanaan dooni jirin inaanu ka tagno.”ayey Tidhi Mawo Aamina Waris.
Hadalka Marwada ayaa si weyn saaka ay u qaadaa dhigaysa Saxaafada Madaxa Bannaan ee Dalku, waxana ay kusoo aadday xilli Magaalada Gabiley oo ay wajaale Hoostimaaddo xukuumaddu ku xidhay Wariyayaal Baahiyey calanka Kulmiye oo Kabaha la iskaga Masaxaya, qaarkoodna La Gubayo.
Hadalka Marwadu hore ugu tidhi Reer Wajaale, ayaa shacabku si weyn u hadal hayaan, waxana la ogaaday in wixii shalay Kulmye la qurux badnaa ayaa haatan la fool xumaadeen.
SDN/QJ