Marwada Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo deeq lacageed gaadhsiisay Ubadka Agoomaha ah ee Gebilay {DHAGAYSO}
Gebilay 07.Aug (SDN) Marwada koowaad ee madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Marwo Aamina Xaaji Maxamed Jirde, waxa ay Galabta deeq lacageed iyo mid agaba gaadhsiisay Agoomaha Gobolka gabiley ku nool iyada oo marwadu ka duulaysa masuuliyada qaran ee ay bulshada u hayso uguna tahay hooyo qaran oo xil gaari ka saaran yahay caruurta ku dhaqan Somaliland ee agoomaha iyo Danyarta waxa ay gobolkan gaadhsiisay qadar lacag ah oo dhan $3,000 iyo agab kala duwan oo ay ugu talo gashay inay maalinta farxada ciidal Fidriga awgeed ay caruurtani ku ciidana nolol farxad leh oo ay la qaataan caruuraha kala ee la nool waalidiintood ay u soo horumarisay maanta inay la kulanto caruurtan.
Marwada waxa ku soo dhaweeyey Gobolka Gabiley Badhasaabka Gobolka Gabiley, Maayarka gabiley, Xoghayaha Gabiley, Xildhibaanada Gabiley, Odayaasha Magaalda iyo Salaadiinta qaarka mida ah, iyaga oo kulankaasi qiimaha badna ka dib ku soo wareejiyey marwada Magaalada Gabiley oo ay ka socdaan Mashaariico aad u qiimo badan oo kala ah Wadooyin uu hore u dhaqax-dhigay wasiirka madaxtooyadu, Dib u dhis lagu wado Dawlada hoose ee Gabiley, guriga Martida ee Gobolka Gabiley oo noqon doona Guriga ugu quruxda badna gobolka oo hada gebegabo ku dhawo.
Intaasi ka dib waxa ay marwada iyo weftigii wehelinaayey oo kala ahaa wasiirada Deegaanka, Wasiirada Waxbarashada iyo Xubno kala duwan oo la socday marwada ay u soo anba baxeen dhanka Caasimada Hargeysa.
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/aaminawarisgebi(1).mp3″]
HALAKAN GUJJI SI CODKA MARWADA MADAXWEYNAHA MOBILEKAAGA AAD UGA DHEGEYSATO
Gebilay SDN.
Qurbejoog.com