Marwada Kowaad ee Somaliland oo ka qeyb gashay Muxaadaro looga hadlayay doorka Haweenka ee siyaasada
Hargeysa April 02,2012(SDN)-Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Aamina Waris Sheekh Maxamed Jirde ayaa Maanta soo dhawaysay in Culimadu ka hadlaan doorka haweenayda Muslimka ahi ka qaadan karto barbaarinta ubadka iyo dhawrista Xuquuqda ay diinta Islaamku siisay.
Marwada Madaxweynaha ayaa hadalkan ka jeedisay Muxaadiro uu soo qaban qaabiyay Machadka faafinta diinta Islaamka isla markaana ay ka qayb galeen in ku dhaw boqol haween ah oo qaarkood ay ku jiraan golayaasha qaranka kaas oo lagu qabtay huteelka Maansoor ee Caasimada Hargaysa.
Gudoomiyaha Machadka faafinta Diinta Islaamka Sh.Maxamed Cabdi Yuusuf “Mooge” oo halkaasi ka hadlay ayaa tilmaamay sida ay diinta islaamku u xoojinayso kaalinta haweenayda islaamka ahi ka qaadan karto tarbiyada ubadka iyo sidii loo dhawri lahaa xuquuqda ay bulshada dhexdeeda ku leeyihiin, Waxa uu Gudoomiyahani xusay in Machadkoodan la aasaasay Mudo Sadex Sanno ka hor ah isla markaana ay ka shaqeeyaan Sidii dhalinyarada iyo qaybaha mujtamaca looga wacyigelin lahaa fikirada khaldan ee aan waafaqsanayn Diinteena waxaanu tusaale u soo qaatay falalka is qarxinta oo ay guud ahaanba diinteenu inaga maanacday iyo Tahriibta galaafata nolosha da’a yar badan oo dalka u soo kacaysay.
La Taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha Haweenka Amaal Xaaji Miisaan oo halkaasi ka hadashay ayaa uga mahadcelisay machadkani inuu soo agaasimo kulamo aqoonta haweenka kor loogu qaadayo iyadoo ku boorisay Machadka faafinta diinta islaamku inuu sii wado mawduucyada diiniga ah ee ku saabsan arrimaha haweenka .
Sidoo kale Maareeyaha Xafiiska Samofalka Madaxtooyada Aamina Maxamud Diiriye oo halkaasi ka hadashay ayaa sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay kasoo qeyb galka muxaadiradan ku saabsan sidii haweenka loogu baraarujin lahaa meeqaamka ay diinteenu u gaar yeeshay.
Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Aamina Waris Sheekh Maxamed Jirde oo madashaasi ka hadashay ayaa soo dhawaysay in Culimadu ka hadasho kaalinta haweenayda muslimada ahi kaga jirto barbaarinta ubadka iyo xuquuqaha ay diinteenu u gaar yeeshay waxay marwada madaxweynuhu sheegtay in Machadkani uu qayb weyn ka qaato caawimo ka gaysashada Caruurta Agoomaha ah waxaanay intaas ku dartay inay haween ahaan ku garab joogaan dacwada islaamiga ah ee ay wadaan.
Waxaa kale oo goobtaasi muxaadirooyin la xidhiidh arrimaha diinta ee dhinaca dumarka ka kasoo jeediyey Sheekh Saleebaan Siciid Cali iyo Sheekh Maxamed Ibraahin Jaamac oo ka tirsan Machadkan.
SDN-Hargeysa