|

Marwada Koowaad iyo wasiirka Warfaafinta Somaliland oo maanta arday guddoonsiiyay abaal marino

Hargeysa Mar 29,2012(SDN)-Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Aamina Sh.Maxamed Jirde “Aamina Waris” oo ay Weheliyaan Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Cabdi Yuusuf Ducaale “Boobe” iyo Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Warfaafinta iyo Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa Maanta ka qayb galay xaflad abaal marino lagu gudoonsiinayay ardaydii Kaalmaha hore ka gashay tartan aqooneedka Kadis oo in mudo ahba uga socday telefishanka qaranka.

Waxaa munaasibadan oo lagu qabtay huteelka Maansoor waxaa hadalo talo iyo tusaale ah isugu jira ka soo jeediyay Marwada Madaxweynaha Aamina Sh.Maxamed Jirde “Aamina Waris” iyo Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Mudane C.raxmaan Yuusuf Ducaale “Boobe” oo ku dheeraaday qiimaha ay aqoontu u leedahay aadamaha iyo sida ay waajibka u tahay in loo sii xoojiyo, Marwada Madaxweynaha iyo Wasiirka Warfaafintu  waxay ku guubaabiyeen ardayda ka socotay Dugsiyada Sare ee Ilays iyo Dayib Guray oo kaalmaha hore ka galay tartan aqooneedkaas inay dadaalkooda halkaasi ka sii wadaan waxaa kale oo ay ku guubaabiyeen ardaydii tartankan ku hadhay inay xooga saaran sidii ay kuwa soo socda ugu soo bixi lahaayeen iyagoo intaas ku daray in Tartamada noocan oo kale ahi ay qayb ka qaataan Kobcinta is dhex galka dhalinyarada.

Agaasimaha guud ee wasaarada warfaafinta  iyo wacyigelinta Somaliland Faysal Cali Sheekh ayaa dhiniciisa ka sheegay in hawl wadeenada telefishanka qaranku ay u hawl galeen sidii uu barnaamijkaasi u noqon lahaa mid midha dhala waxaanu mahadnaq u diray dhamaanba dugsiyadii ka qayb galay oo muujiyay karti xoogan.

Waxaa kale oo halkaasi ka hadlay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Baashe Yuusuf Faarax iyo Agaasimaha Telefishanka Qaranka Axmed Saleebaan Dhuxul.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed