|

‘’Marnaba Ogolaan mayno In Gobolka Kurdistaan uu Noqdo dawlad Madax Bannaan’’ Madaxweyne Ordugan

Ankara 17. September 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Turkiga Mr: Rajab Dayib Ordugaan oo shir jaraa’id ku qabtay caasimada dalkiisa ee Ankara ayaa sheegay in dawlada Turkigu marnaba ogolaanayn in gobolka Kurdistaan noqdo dawlad ka madax banaan fadaraalka Ciraaq.

Mr: Ordugaan waxa uu intaasi ku daray in aftida laga qaadi doono dadweynaha gobolka kurdistaan tahay mid aan sabab iyo waayo aragnimo ku salaysnayn, iyadoo dawladaha jaarku la ah Ciraaq ku keeni doonta xasilooni daro hadii aftidaasi u dhacdo in kurdistaan noqoto dal gooni u taagan.

 

Geesta kale, labada ra’iisal wasaare ee Turkiga iyo Ciraaq ayaa dhinaca tilifoonka ku heshiiyey in aftidaasi laga joojiyo gobolka kurdistaan, laguna dhaqaaqo hab kasta oo ay ku suurto galayso in la hor istaago.

Comments are closed