“Marna ma suurawdo in cid gaari qaranka qalin shubataysto” Gudoomiyaha Gudida dhaqaalaha G/Wakiilada SAWIRO
Hargaysa 23.March 2015 (SDN/QJ)- Gudoomiyaha GudidA Dhaqaalaha iyo Ganacsiga ee Golaha Wakiilada JSL mudane Cumar Axmed Saleebaan (Cumar Sanweyne) ayaa kulan la qaatay ganacsatada soo dejisa Baabuurta. Ganacsatadan oo gudida u soo gudbiyey Cabashada ay ka qabaan lacago dheeraad ah oo lagu soo rogay marka ay baabuurta dekeda kala soo degaan.
Waxay gudida Ganacsatada soo dejisa Baabuurtu u sheegeen gudoomiyaha gudida in aanay ka hadal lacago dheeraad ah oo lagu soo rogay tan iyo intii xukuumada KULMIYE Dalka qabsatay oo tusaale ahaan bay yidhaahdeen gaadhiga Landcruiserka ah waxa lagu cashuuri jiray 1500 dolar halka uu maanta ka yahay 3200 dolar sababta ay uga hadli waayeena ay tahay maadaama ay tahay lacag dalkoodii u xaroonaysa oo qasnada dawlada ku dhacaysa.
Waxay intaa ku dareen in lacagta maanta lagu soo rogay ay tahay lacago jeeb shakhsi ku dhacaysa oo lagu naas nuujinayo gaadhi kastana lagu waajibiyey $ 80 ilaa $ 120 , taas oo loogu Magac bixiyey Eegista Tayada Baabuurta oo nin xarun ka furtay Dekeda dhexdeeda, bilkastana waxa ka soo dega celcelis ahaan 500 oo baabuur dekeda, lacagtaasi namay dhibteen malaayiinka dolar noqonaysaa haddii iskuulo iyo wadooyin ama biriishyo loogu samaynayo umada ee waa lacag xisaab la’aan qof jeebkiisa u gelaysa.
Gudoomiye Cumar sanweyne ayaa u balanqaaday inay waajib tahay inay dhegeystaan codka shacabka iyo bulshada maadaama ay yihiin shacabkii soo doortay isla markaana ay wax ka qabanayaan, waxa gudoomiye Cumar u balanqaaday inay arintaas daba gelayaan haday xukuumada tahay iyo haday shuruucda dalka tahayba iyagana ay war danbe ku soo celin doonaan.
“Marna ma suurawdo in cid gaari qaranka qalin shubataysto waxaananu hubinaynaa shuruucda arintan khusaysa iyo masuuliyiinta ay khusayso idinkuna naga warsuga” ayuu gudoomiyuhu yidhi
Waxa isna la hadlay ganacsatadan cabanaysay xildhibaan Xaashi Xuseen Caabi oo gudoomiyaha madasha ku wehelinayay.
Hargaysa SDN/QJ
contact@qurbejoog.com