Markii Ugu horeysay oo Nin Ku eedeeysan dilka Wariye Xukun lagu riday Magaalada Muqdisho
Muqdisho March 28 2013 (SDN)– Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta xukun dil ah ku riday Nin lagu eedeeyey dilka allaha u naxariistee wariye Xassan Yusuf Absuge oo dabayaaqadii 2012dii lagu dilay Magaalada Muqdisho xili uu howshiisa shaqo ku guda jiray.
Cabdi Sheikh Xuseen iyo Cabdi Xassan Dhuxulow oo ahaa eedeysanayaal loo soo qabtay dilkii wariye Absuge ayaa dhageysiga kiiska kadib waxaa lasii daayey Cabdi Xassan Dhuxulow oo maxkamadu sheegtay in dambi lagu waayey halka ay xukun dil ah ku riday Cabdi Sheikh Xuseen oo maxkamadu xustay in uu ahaa ninkii dilay Marxuum Xassan Yusuf Absuge.
Garsoore C/llaahi Max’ed Muuse “Keyse” oo kamid ah garsoorayaasha maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa sheegay in dhageysi dheer oo la xiriirta dacwada loo heysay eedeysanayaasha kadib dambi lagu helay Cabdi Sheikh Xuseen halka eedeysane Cabdi Xassan Dhuxulow lagu waayey dambigii loo heystay, isagoona tilmaamay in eedeysane Cabdi Sheikh Xuseen lagu cadeeyey in uu geystay dilkii marxuum Absuge Maxkamaduna dil ku xukuntay.
21kii bishii September ee sanadkii aynu kasoo gudubnay ee 2012kii ayaa waxa magaalda muqdisho lagu dilay wariye Xassan Yusuf Absuge oo kamid ahaa wariyayaashii muqdisho ka howlgalayey, ayadoona isla maalintii uu dilka dhacay loo soo qabtay eedeysanayaasha maanta la xukumay.
SDN-Muqdisho