|

‘’Markii aanu Waddani jirin miyaanu Garxajis jirin?,..’’ Faysal Cali Waraabe Oo Dalka kusoo Laabtay

Hargeysa — Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe ayaa saaka subaxnimadii hore ka soo dagay Gagida Diyaaradaha Ee Hargaysa ka dib safaroo uu ugu maqnaa dalka Dibaddiisa .

Waxaana Halkaasi kaga hor tagay kuna soo dhaweeyay Madax ka socotay Xisbiga Iyo Madax Dhaqameed kale .

Gudoomiyaha oo Qolka Nasashada ee Madaarka ugu warramay Warbaahinta ayaa ka warbixiyay Safaradiisi uu ku tagay Wadamada North America iyo Yurub isagoo sheegay in uu soo badhi taaray Siyaasadda Arrimaha Dibadda Somalialnd oo uu ku tilmaamay in ay ahayd muddooyinkii ugu danbeeyay Wagash-Wagash , isagoo sheegay in uu kulamo la soo qaatay Madax sare oo ka tirsan Dalka Maraykanka iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dalka Finland .

Gudoomiyaha ayaa mar uu ka hadlayay Diinwaangalinta Codbixiyayaasha Sheegay in Diinwaangalintu ay si fiican uga socoto Gobolada Dalka isagoo tilmaamay in Gobolka Togdheer ay si fiican uga Dhacday isla markaana uu Gobolka Awdal uu u rajeenayo in ay si fiican uga qabsoonto .

Sidoo kale Gudoomiye Faysal Ayaa Hoosta ka xariiqay qaabka ay labada Xisbi ee Kale uga qeyb qaadanayaan Diinwaangalinta isagoo sheegay in ay ka dhigteen Olole iyagoo adeegsanaya bu yidhi Hantidii Umadda oo ay labaduba yihiin laba Xisbi oo xukuumadda ka wada tirsan .

Geesta kale, Gudoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa cambaareeyay Xadhigii Gancacsade Cumar Caydiid isagoo dhaliilay habkii uu Gudoomiye Cirro u waajahay Xaaladda Tiyaatarka.

Sidoo kale Gudoomiyuhu wuxuu ka hadlay Arrinta Gerxajisnimada oo muddooyinkan danbe uu sheegay in aad loo hadal hayyo waxaanu tilmaamay in uu muddo 15 Sanno uu ahaa Gudoomiye Xisbi isla markaana aanay jirin wax Gerxajjis ah

“ Waxaa Baryahan aad u badatay Kalmadda Gerxajjis La yidhaa , Anigu waxaan ka soo jeeda Beeshaas , 15 Sanno ayaan ahaa Gudoomiye Xisbi Kalmaddaasi may jirin waxaan garan la’ahay kalmaddaasi ma waddani ayay la dhalatay , Markii aanu waddani jirin miyaanu gerxajjis jirin , waxaan leeyahay ha la kala saaro Waddani iyo Gerxajjis , Xisbi Siyaasiya weeye , Xisbi Qaran weeye , Wax kasta in la Gerxajiseeyo , Wax lasta in la qabiileeyo looma baahnaa ” Ayuu yidhi Gudoomiye Faysal Cali Waraabe .

Ugu danbeyntii, waxaa uu ka hadlay Abaaraha Baahsan ee ka jira Dalka isagoo alle uga baryay in alle ka jabiyo abaarahaas oo uu nimcadiisa ku arsaaqo .

Imaanshiyaha Gudoomiyaha ayaa ku soo beegantay wakhti ay badiba Masuuliyiinta Xisbigu ku hawlanyihiin hawlaha Diinwaangalinta oo ay ku suganyihin  Gobolada

DSC09757 DSC09758 DSC09760 DSC09763 DSC09764 DSC09767

Comments are closed