|

“Markhaatigiisa Janno Allah Ha Furo Wasiir Xirsi!!” -Cali-Gurey oo Ka Hadlay Warbixintii Wasiirka Madaxtooyadu Siiyey Wakiillada

Hargeysa:5-Sep-2013(SDN)-Guddoomiye-ku-xigeenka Saddexaad ee Xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelka  ee UCID, Cali Maxamed Yuusuf (cali gurey) ayaa markii ugu horraysay lafo-gur ku sameeyey khudbaddii dheerayd ee wasiir xirsi maalintii shalay ka jeediyey Golaha Baarlamaanka Somaliland.

GUREY Ugu horrayn cali gurey oo ka hadlaya qaabkii uu wasiirku uga jawaabay su’aalihii la weydiiyey, waxa uu sheegay, “Intii dhegeysatay sua’aalihii wasiirka madaxtooyada laga waydiiyay ee jawaabihii uu ka bixiyay waxan filayaa inay garteen ninka Golaha Wakiilada maanta hor tegay in aanu wasiir caadi ah ahayn. Xantii jirtay na wuxuu u noqday markhaati been ma sheege ah. Su’aalaha la waydiiyay ee jawaabaha uu ka bixiyay waxaynu u qaadan- naynaa  kuwo xaq loogu lahaa in la waydiiyo oo khuseeya xilka uu qaranka u hayo ka wasiir madaxtooyo ahaan.”

 

Cali oo Hadalkiisa sii wata, ayaa yidhi, “  markii la waydiiyay waxa ayshaqadiisu tahay wuxuu ku koobay in shaqadiisu ay tahay socodsiintahawl maalmeedka madaxwaynaha, xataa madaxtooyada muu odhan si uu isaga reebo M/W ku xigeenka. Isaga oo isku deyaya in uu sii iftiimiyo ayuu sii qeexay in hawshiisu tahay keliya maarayn (Management) isaga oo markan-na iska reebaya in aanu ku lug lahayn wax hogaamin siyaasadeed ah ee taasi ay gaar u tahay madaxwaynaha. Ama rumayso ama ha rumaysan,”

Sidoo kale cali gurey waxa uu tilmaamay in hadalka wasiirka loo qaadan karo is burin iyo qiraal is huwan oo haddan raad-gadanaya, waxana uu yidhi,  “ Waxay ila tahay wasiirka wixiisu mar waa is burin mar kale na waa qiraal cad inuu adeegsado awoodd ka badan inta uu leeyahay oo weliba uu wax walba ku shaqo leeyahay isaga oo awoodaha uu ku takri falo isku deyaya inuu ku jidaysto in xilku aanu shaqada samaynin ee qofku sameeyo. Taas oo macnaheedu yahay wax wal oon qabto anigaa samaysta ee xilku xad iima samayn karo, taasi na waa fadeexad maamul ahaan iyo siyaasad ahaan ba waana arin qalad ah iyo weedhaha uu adeeg sanayo oo aanu haba yaraato’e fahmsanayn.Bal ka waran hadii shakhsi kasta oo xil cayiman lagu og yahay uu yidhaa xilku ma xadidayo waxa aan qabanayo ee hadii caafimaadka la ii diro beeraha, macdanta. Dhismaha, tacliinta, maamulka dawladaha hoose iyo cadaaladda inta ba anigaa ka shaqayn naya cid iga lihi na ma jirto anigaa cid walba ka leh.”

Mar uu Cali gurey ka hadlayey hay’adaha kala duwan ee madaxtooyada la hoos geeyey iyo sidii uu wasiir xirsi uga gal gashay, waxa uu yidhi, “Waxa nasiib darro ah hay’adaha la wada hoos geeyay madaxtooyada oo intii madaxwaynihii hore uu madaxwaynaha maanta xilka hayaa uu habeen iyo dharaar ku haystay inay qalad tahay na aaminsanaa, hadana kuwii hore qaar kale ayaabu ku sii daray. Taas oo xaqiiqadu tahay in musuqmaasuqii hore iska daa wax laga qabto eh la sii laban laabay jawaabaha wasiirku na aanay ahayn wax kale ee qiraal tahay. Wasiirku wuxu cadeeyay keliya in uu awoodo dheerad ah oo u jidayn naya in wax walba uu ku shaqo leeyahay uu leeyahay. Intaasi na waa intii aynu ogayn ee intaa laga hadlayay. Calaa kuli xaal wasiirku wuu mahadsan yahay wax kale oo ka furan hadalkiisu na ma jiro oon ahayn MARKHAATIGAA JANNO ALLAH HA FURO.”ayuu cali gurey  hadalkiisa ku soo xidhay, waxana uu hadalkiisan oo qoraal ah soo dhigay barta uu internetka ku leeyahay ee Facebook-ga.

 

Somalidiasporanews.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed