Markhaati Loo Hayey Kiiska William Ruto Oo Ka Noqday Hadallo Uu Hore u Sheegay
Nairobi:Sep,09,2014(SDN/QJ)-Markhaati numberka 22-aad kaga jirey Maragyada loo hayo Kiiska ka dhanka ah Madaxweyne-ku-xigeenka Kenya Wiliiam Ruto, ayaa sheegay inuu ka noqday Hadallo uu hore u sheegay inuu kiiskaas wax kaga ogaa.
Markhaatigani oo hore u sheegay in uu ka qayb galay kulan uu madaxwayne-ku-xigeenka Ruto uu kulan lagu qorshaynayay daagaal ka dhan ah Qoomiyada Kikunyada uu ku qabtay gurigiisa .
Markhaatigani oo shalay su’aalo lagu waydiinayay maxkamada ICC ayaa waxa uu sheegay in aanu guriga Ruto tagin islamarkana aanu ka qayb galin kulan lagu qorshayanayay rabshado .
Markhaatigani kiiska ka dhanka ah Ruto oo la waydiiyay sababta ku qasabtay in markii hore uu baadhayaasha u sheego in uu kulankaasi ka qayb galay ayaa waxa uu sheegay in ay ahayd markhaatigiisa wax uu isaga iska samaysatay oo aan jirin.
SDN/QJ