Markhaati furkii FBIda Mareykanka ee dacwadii Minneapolis
Minneapolis Oct 16,2012(SDN)-Maxkamad Mareykanka uga socota nin Soomaali ah oo lagu soo eedeeyay in uu gacan siiyay qaar ka mida dhalintii Soomaalida ee Minneapolis ka tagatay ayaa waxa shalay la dhegeystay markhaatiga FBIdii baaritaanka sameysay.
Maxamuud Siciid Cumar oo 46 jir ah ayaa loo heystaa in uu gacan siiyay dhalintii dhooftay ee Shabaabka ku biiray isla markaana bixiyay kharash lagu hubeeyay.
Kiann VanDenover oo ahaa madaxii baaritaankii lagu sameeyay Maxamuud Siciid Cumar ayaa sheegay in ay baaritaanka ku bilaabeen eedeysanaha ka dib kolkii cellphonekiisu uu ka muuqday qaar kale oo lagu daba jiray.
Kiann VanDenover ayaa sheegay in ay baaritaanka ku bilaabeen Nov 25,2008dii oo aheyd isla maalintii uu u dhoofay Macca si uu xajka u soo guto.
FBIda ayaa damacsaneyd in ay qabtaan maalintii uu ka soo noqonayay Xajjka,balse duyuuradii Minneapolis maba uu soo raacin.
Maxamuud Siciid Cumar aya aka degay Holland oo uu iska dhiibay,waana halka laga soo qabtay 2009kii.
Maxamuud waxa ay FBIdu sheegtay in ay ka duubtay 420 xiriir oo uu la sameeyay dhalintii Shabaabka ku biirtay ee Soomaaliya tagtay.
Eedeysanha ayaa maalintii uu Shirwac Axmed isqarxiyay waxa uu Soomaaliya la hadlay 37 jeer,waa milintii uu ugu xiriirka badnaa.
FBIda ayaa sheegtay in laba ka mida walaalada Maxamuud Siciid Cumar ay ka hayaan hadalo ay ka duubeen oo ay ku hagayaan walaalkood in uu been sheego.
Mid ka mida walaalada ayaa eedeysanaha kula taliyay in uu sheego in uu Soomaaliya u tegay si uu u soo booqdo adeerkii,kadibna ay Shabaabku afduubteen oo Marka ay geeyeen.
Ka kalena waxaa uu eedeysanaha kula taliyay in uu sheegto in uu booqday adeerkii oo xanuunsanaya.
Maxkamada ayaa dhegeysigeeda ay socotay mudo sadex todobaad ah,waxaana ka markhaati furay dhawr ka mida dhalintii tagtay Soomaaliya oo Mareykanka dib ugu noqday.
SDN-Minneapolis
contact@somalidiasporanews.com