|

Markab Sida Deeqdii Ugu Badneyd Ee Mucaawino Ah Oo Lagu Wareejiyey Dowlada Soomaaliya Iyo Cida Keentay SAWIRO

Muqdisho 17. June 2017 (SDN/QJ):-Markab siday 13 Kun tan oo isugu jira raashinka noocyadiisa kala duwan iyo daawooyin ayaa Maanta lagu wareejiyay dowaldda Soomaaliya.

Deeqdan ayaa waxay ka timid dowladda Turkiga ayaa waxaa lagu wareejiyey Masuuliyiin ka socotay dowaldda federaalka Soomaaliya.

Hay’adda Bisha Cas ee Turkiga oo deeqdaan la soo mariyay ayaa waxay sheegtay inay ugu talo gashay dadka abaaruhu ku saameeyeen gobolada dalka, ayna sii waddi doonto u gargaarida Shacabka Soomaaliyeed.

Wasiir ku-xigeenka Wasaarada arrimaha Gargaarka ee dowladda Federaalka Soomaaliya Cilmi Cumar Ceysane ayaa uga mahadceliyay dowladda Turkiga kaalmada joogtada ah ee ay la garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed.

Safiirka dowladda Turkiga u fadhiya Somalia oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in Turkiga ay mar walba sii wadi doonaan taageerida & waliba gacansiinta shacabka Soomaaliyeed.

Comments are closed