|

Markab Kenya Leedahay Oo Dirqi Kaga Farobaxsaday Budhcad-Badeed Soomaaliyeed

Mombasa:15-Feb-2014(SDN)-Sida ay sheegayso Wakaaladda Wararka u Faafisa waddanka Shiinaha Xnhua Koox Looga shakiyey inay Budhcad-badeed soomaali yihiin ayaa Maalintii shalay Weerartay Markab Ganacsi oo laga Leeyahay Dalka Kenya oo ku soo Wajahnaa Magaalada Muqdisho.

mrkabMasuuliyiinta dhanka badda ee dalka Kenyaa ayaa sheegay in markabka oo lagu magacaabo MV Andrea ay weerareen kooxo hubeysan xili oo kusoo socday dekadda magaalada Muqdisho.

 

“Shaqaalaha markabka ayaa sheegay inay badqabaan mana jirto cid ku dhaawacantay rasaas la isweydaarsaday”sidaasi waxaa yiri Andrew Mwangura oo ah xoghayaha urur badmaaxiinta dalka Kenya oo la hadlay wakaalada Xinhua.

 

Mwangura ayaa sheegay in shaqalaha ay gaadhayeen 17 ruux oo badankood ahaa Kenyan, waxaana weerarka u geystay kooxo doonayay inay qafaashaan, sida uu hadalka u dhigay.

 

Wuxuu sidoo kale sheegay in markabka uu kusoo jeeday magaalada Muqdisho, laakiin kooxaha hubeysan ay sameeyeen isku day aan suurto gelin oo ay ku doonayeen inay ku afduubtaan markabka.

 

Markabka ayaa ka dulbabanayay calanka dalka Sierra Leone,  waxaana iska leh shirkad ka dhisan magaalada Mombasa ee dalka Kenya, isagoo ka shaqeeyaa dalalka Tanzania, Kenya, Madagascar, Comoros iyo Mozambique sanado badan.

Isku daygan ay kooxdani doonayeen inay Markabkan ku Afduubtaan ayaa Noqonaya kii Labaad ee ay Sanadkan sameeyaan, waxana ay Hore iskugu dayeen inay Markab kale oo ganacsi afduubaan balse uma ay suurta gelin.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed