Markab ay saaran yihiin qaxooti Soomaali ah oo gaaray Berbera
Berbera 21,May 2015 (SDN/QJ)- Markab ay saaran yihiin 960 qof oo qaxooti Soomaali ah, iyo laba ruux oo u dhalatay dalka Yemen, ayaa gaaray maanta dekedda magaalada Bebera, iyadoo dadkan ay qeyb ka yihiin kumannaan ka soo baxsaneyso dagaalka dalkaas ka socda.
War saxaafadeed ka soo baxay xafiiska warbaahinta iyo xiriirka dadweynaha ee baarlamaanka Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in markabkan uu baarlamaanka u kireeyey qaxootiga, si loogu soo daabulo.
Baarlamaanka federaalka, ayaa warka lagu sheegay in uu gacan ka geysanayo sidii qaxootiga Yemen looga soo qaadi lahaa, gobollada dalka ee ay doonayaanna loo geyn lahaa marka ay yimaadaan kaddib.
Maalinta Sabtida, ah ayaa war saxaafadeedka lagu xusay in diyaarado lagu soo daabuli doono tiro badan oo kamid ah qaxootiga Soomaaliyeed.
Bishii hore, baarlamaanka ayaa lacag gaareyso $300,000, ugu deeqay qorshaha qaxootiga lagu soo celinayo.