|

“Markaan Masallaha Dul-marayey Ilmaa Iga Soo Daatay, Laakiin Dib-baan U Celiyey..” Fannaanka Cabdikariin RAAS Oo 13 Sano ka Dib, Dalka Ku Soo Laabtay DAAWO

Hargaysa 31.October 2016 (SDN/QJ):- Waxa doraad Magaalada Hargeysa si diiran loogu soo dhaweeyay Fannaanka Cabdikariin Ismaaciil Muuse (Cabdikariin Raas) oo ka mid ah Fannaaniinta reer Somaliland.
Cabdikariin Raas oo Dalka Ingiriiska oo uu deggan yahay ka soo kicitimay, ayaa waxa Garoonka Diyaaradaha ee Hargeysa ku soo dhaweeyay Fannaaniin iyo Qaar ka mid ah Dadweynaha ku dhaqan Caasimadda Hargeysa, kuwaasi oo sitay calanka Somaliland.
Fannaanka oo soo dhaweyntiisa ka dib la hadlay Saxaafadda, ayaa yidhi, “Waan salaamayaa Shacabka Somaliland, Maamulka iyo Dadka igu soo dhaweeyay Madaarka Hargeysa ee Aniga dartay u taagnaa Cadceedda.”
Fannaanku waxa kale oo uu sheegay, “Aad baan ugu faraxsanahay inaan Dalkayga Hooyo imaaddo 13 Sannadood oo ka maqnaa ka dib, noqon maayo oo halkan baan idinla joogayaa haddii Alle yidhaahdo. Waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay inaan ku soo laanto Waddankayga oo Nabad ah oo aan 13 Sano ka maqnaa.”
Cabdikariin Raas, waxa uu muujiyey sida uu Dadkiisa iyo Dalkiisa u jecel yahay, “Dad badan oo iga soo horeeyay ayaa halkan ka ooyey, Aniguna Markaa Masallaha Dushiisa marayey ayay iga soo daadatay (Ilmo), laakiin Calool-adeyg baan iska dayey oo dib baan u celiyey.”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “
13 Sanadood ka dib, waa markii koowaad ee uu Fannaanku dib ugu soo laabto Dalkiisa Hooyo ee Somaliland.

Comments are closed