|

“Markaa Waxaan Ku Lahaa Maxamed Biixi, Ma Xusuusataa Ushii Dheerayd Ee Aad Sidan Jirtay Berrigii Aad Macalinka Noo Ahayd” Gudoomiye Muuse Biixi

Hargeysa, 29 Sep 2015  (SDN/QJ)-Siyaasiyiinta loollanka adagi ka dhexeeyo ee Maxamed Biixi iyo Muuse Biixi ayaa shalay ku kulmay madal hadhimo sharafeed ahayd oo nin ganacsade ahi ku martiqaaday wasiiradda beesha woqooyiga iyo galbeedka Hargeysa kaga jira xukuumadda, Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye, Wasiirka arrimaha Gudaha, xubno madax dhaqameed ah iyo xubno kale, kuwaasoo isu gaynta wadartoodu gaadhaysay dhawr iyo afartan xubnood.

Qado sharaftan oo ka dhacday huteel Maansoor waxa sameeyay nin ganacsade ah oo lagu magacaabo Ibraahim Cabdi Xuseen [Buurane],  isla markaana waxa ujeedadiisa lagu sheegay mid xukuumadda loogaga mahadnaqayay sidii loo maareeyay wiil dhalinyaro ahaa oo u dhintay rasaas ku dhacday isagoo ku xidhan saldhig Booliis oo Hargeysa ah. Ganacsadaha martiqaadkaa lahaa ayaa halkaa ka hadlay oo sharaxay ujeeddada hadhimadda, waxaana hadalkiisii ka mid ahaa weedhahan; “Kulankan horta waxaa qabatay beesha Axmed Cabdalla(Sacad Muuse), waxaanu marka hore uga mahad celinaynaa wasiirrada beesha Sacad Muuse,Xisbiga  kulmiye, wasiirka Arrimaha Gudaha  inaad naga soo ajiibteen yeedhmadii aannu idiinku yeedhnay. Waxa kale oo aanu xukuumadda uga mahad celinaynaa  sidii wanaagsanayd ee ay noogala shaqaysay arrintii dilka, iyada oo aannu annagu ka beel ahaan markii hore si fiican hawshaa waajibaadkayagii uga gudannay. Idinku dhiniciinna ka xukuumad ahaan idinkaa ka jawaabi doona, balsle annagu ka beel ahaan waxaannu rabnaa inaannu idiinka mahadcelinno sidii fiicnayd ee aad falkii dhacay noogaga soo jawaab celiseen.” Ka hor ganacsadaha waxa madashaa ka hadlay Caaqil Aadan cabdillaahi Cali oo xukuumadda uga mahad celiyay sidii ay beeshiisa ugala shaqaysay falkii dhacay waxaanuu yidhi; “Dawladda waxaan uga mahad celinayaa geeridii wiilkii yaraa ee dhintay jawaabtii ay kaga falcelisay. waxaa kale oo aan iyagana u mahad naqyaa wasiirradda Beesha Sacad Muuse oo aad mooddaysay inay wax u diyaar yihiin oo sida ay u shaqaynayaan aanan weligay hadda ka hor ku arag mahad gaara ayaan mar kale u celinayaa.Waxaan isagana halkan uga mahadcelinayaa Cali Warancade oo ah wasiirka Arrimaha Gudaha oo ah nin aan arrimaha qabiilka haddii lagu sheego aan cuqdad ka qabin, sidii qiimaha lahayd ee uu hawshii geerida noogala qayb qaatay maydkiina isagu u aasay.”

Sidoo kale Waxaa halkaa ka hadlay Suldaan Maxamed Axmed Suldaan Cadbdiraxmaan Suldaan Diiriye oo ay ku sheegtay suldaanka guud ee Subeer Awal, isla markaana waxa hadalkiisii ka mid ahaa oo uu yidhi,“Wixii siyaasad ah dadkeedii baa fadhiya oo aan u daynayaa balse anigu ka Suldaan ahaan waxaan ku ekaanayaa arrimaha ducada dhaqanka oo keliya. Waxa la yidhi waxaa jiri jiray nin caammo ah oo aan quraanka wax badan ka aqoonin, markaasaa lagu yidhi hebalow horta adigu qur’aanka intee in le’eg baad ka taqaannaa markaasuu yidhi; waar  ninyow anigu qur’aanka ma aqaanno, balse haddii laga tegi waayo waxaan ka aqaannaa oo keliya, “WALAA TAFARRAQUU” oo macnaheedu yahay ha kala tegina ee wada jooga. Markaa wasiirrada Sacad Muuse waxaan ku ammaanayaa wadajirkii iyo muwaafaqadii ay ka muujiyeen qadiayddii na soo martay.”

ilma biixiSiday tibaaxeen xoggo uu wargeyska Ogaal ka soo xigtay goob joogayaal  xubnahaa kadib wuxuu hadalkii u soo wareegay dhanka xukuumadda iyo wasiiradda goobtaa ka joogay oo kala ahaa; Wasiirka Khaarajiga Maxamed Biixi Yoonis, Marwo Samsam Cabdi Aadan wasiirka Maaliyadda, Maxamed Aw Daahir Ibraahim Wasiirka Beeraha, Wasiirka Wershadaha, Axmed Cadarre   wasiir ku xigeenka  Arrimaha Gudaha, kuwaasoo ka mid ah wasiiradda beeshaa kaga jira xukuumada iyo Gudoomiye Muuse Biixi. Waxa kale oo wehelinayay wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Warancadde. Xoggahaasi waxay intaa ku dareen, in wasiiradda beeshaa ee goobta joogay ay hadalkii dhankooda u riixeen Wasiir Maxamed Biixi inuu afkooda ku hadlo, hase ahaatee uu Wasiirku ka cudur daartay oo diiday inuu ka hadlo halkaa. Taasina ay dhalisay markii laysku riix riixay in Warancadde ku hadlo afkooda iyo ka xukuumadda. Waxaanuu Warancadde hadalkii uu halkaa ka jeediyay ku yidhi;

“Marka hore aniga oo ka wakiil ah wasiirrada Sacad Muuse waanu idinka gudoonnay qadadan qiimaha badan ee aad nagu maamuusteen, waayo dadka way yartay inta xattaa haddii wax loo qabto garata inay ka abaal celiyaan. Marka horaba inaad garateen inaad ka mahad celisaan ayaa qudheedu gobanimo ah waayo dee,  waanad u dhalateen oo gurigeedii baad fadhidaan. Sidaad ogtihiin waxaa markaa iyana taagnayd arrin kale oo taa ka horaysay arin qas iyo wareer badani ka taagnaa oo ahayd wiilyar oo dhawr iyo toban jira oo aan da,diiba gaadhin baa dhintay, markaa iyada oo ay tii jirto ayay tanina dhacday. markaa waxay arrintani dabar u noqotay arrintii ka horaysay ee markaa taagnayd.”

Midabadii Kale Ee Madashaa

Inkastoo labada siyaasi ee Maxamed Biixi iyo Muuse Biixi ay hadhimadaasi kulmisay, haddana waxay xoggaha Ogaal soo gaadhay sheegeen in aanay toos isu qaabilin, isla markaana aanuu hadal u kala bixin. Muuse Biixi oo dhex fadhiyay qaar ka mid ah wasiiradda beeshu wuxuu u muuqday nin furfuran oo ku faraxsan goobta uu joogay oo loo arkayay mid uu uga ogaal badnaa wasiirka, halka Maxamed Biixi na lagu tilmaamay inuu ku jiray intii uu halkaa joogay xaalad xidhxidhan, badina uu ku mashquulsanaa telefoonkiisa gacanta. Warku wuxuu intaa raaciyay in dadka madasha joogayna ay ahaayeen badi taageerayaasha Gudoomiyaha Kulmiye. Dhawr goor ayaa la soo weriyay in Muuse Biixi erayo kaftan iyo ilaaq hadal furis ah uu u tuuray dhanka wasiirka, balse uu Maxamed Biixi ka gaabsaday, ama uu u muuqday mid aan la socon. Marar kale waxay Muuse Biixi si furfuran u kaftamayeen wasiir Warancadde oo lagu tilmaamo sheeko wadaag laysku tiriyo. “Maxamed Biixi macalin buu noo ahaan jirayoo, maalintii sawirkan nalaga qaaday waxaan ku lahaa, Maxamed Biixiyow ma xusuusataa ushii dheerayd ee aad sidan jirtay berrigii aad macalinka noo ahayd.”sidaa waxa yidhi Muuse Biixi xilli ay wada taagnaayeen qaar ka mid ahaa marti sharaftii qaddadaa iyo xubno kale, markaa oo uu gacanta ku hayay joornaal eegayayna sawir isaga iyo Maxamed Biixi oo isa salaamaya ahaa oo wargeyska ku sawiraa. Laakiin Maxamed ma maqlaynin erayadaa oo wuxuu goortaa taagnaa meel ka yara durugsan barta Muuse.

Dhinaca kale waxay xogguhu tusmeeyeen inay middabadii madashaa ka mid ahaayeen tilmaanta suldaan guud iyo erayga caleema saar oo u dhacay mid soo socda. Midabkani wuxuu ka muuqday kaftankii madasha, dhamaadkii hadhimada mar uu goobtaa gaadhay Sul.Maxamed Sul. Cabdiqaadir oo u socday wasiir Warancadde, ay halkaa isku bariidiyeen.

Xigasho Wargayska Ogaal

Comments are closed