|

Marka Shiinuhu Hindhiso ayaa Hargabku Afrika ku dhacaa, Faallo : Nicholas Norbrook

Xilli ay dalalka badeecadaha u dhoofiyaa dareemayaan qaniinyo kaga imanaysa hoos u dhaca dhaqaale ee dalka shiinaha ku habsaday mudooyinkii u dambeeyey, hadana hoos u dhaca qiimahaasi waxa uu dhanka kale caawin karaa qaaradda baahida dheeraadka ah u qabta isbedel dhaqaale oo ay smayso.

marka shiinuhuTaariikhda aadmaha hore uma soo marin in si degdeg ah ay boqolaal malyuun oo ruux ku galaan suuqa shaqada isla markaana helaan nolol heerkeedu caadi yahay. Taasi waa natiijada laga helay dalka shiinaha  mudadii 40-ka sanadood ahayd ee ka dambaysay dhimashadii madaxweyne Mao Zedong in sanadkii 1976, mudadaas oo sanad walba dhaqaalaha shiinuhu kor u soo kacayey qiyaas dhan 10%. Waana markii ugu horaysay ee wadan masaaxadiisa dhuleed le’eg tahay qaaradaha uu noqdo dal wershadaysan oo casri ah.

Marka la rogrogo ee hadba dhinac laga eego dhaqdhaqaaqa jira ayaa sababay ruxanka dhaqaale ee yimid, sunaamiga maalgashiga badeecadaha  ee faraha ka baxay ayaa keenay in la dhadhamiyo wax aan la taaban Karin sida maska duula hilibkiisa oo kale.isbedelkaa wanaagsan ee dhanka dhaqaalaha ayaa Qaaradda afrika ka caawiyey isbedelka dhaqaale ee ay tobankii sanadood ee u dambeeyey ku tallaabsatay.

 

Hoos u dhaca dhaqaale ee Dalka shiinaha waxa laga yaabaa in uu waxyeelo u gaysto badeecadaha ay debada u dhoofiyaan dalalka Afrika ee ay ka mid yihiin K/Afrika, Zambia iyo Kongo, laakiin hoos u dhacaasi waxa uu  ka caawin karaa wadamada Itoobiya, Ruwanda iyo Morooko iyo si dhab ah u qaataan oo u fuliyaan manhajkooda dhaqaale. Dalalkan afrikaanka ah oo taageero la dhinac taagan beeraleydooda, isla markaana dejiyey siyaasadaha hanaanka wershadaynta ee lagu kalsoonaan karo ayaa ka faa’iidaysan kara isu dheellitirka Shiinuhu ku sameeyaan maalgashiga iyo isticmaalka adeegyadooda.

 

Inkastoo hoos u dhaca dhaqaale ee shiinaha asiibay sanadkii tegay uu werwer dhaliyey hadana dalkaasi waxa uu sii ahaan doonaa wadanka labaad ee ugu dhaqaalaha badan caalamka, isagoo wax soo saarkiisa gudaha ee sanadlaha ah oo gaadhaya 18 Trilion oo Doolarka Maraykanka ah uu dammaanad qaadayo koboca dhaqaale ee dalkaasi, kaasoo tusaale ahaan hadii uu sanadkiiba kor u kaco qiyaas dhan 3% ay isugaynta korodhkiisu noqonayso sanadkiiba  540 Bilion oo Doolarka maraykanaka ah.

 

Waxa la rajaynayaa in Qaaradda Afrika iyo shuraakadooda cusub ee dhinacyada dhaqaalaha iyo diblumaasiyadda sida Turkiga, Brasil iyo Hindiya ay buuxin karaan farqiga u dhexeeya dalabaadka iyo sahayda ama badeecada la gaynayo suuqa iyo ta loo baahan yahay, mana aha mid ku qaadan karta xilli dheer. Iyadoo markii ugu horaysay muddo sodon sanadood ah suuqyada soo koraya ay diiwaangeliyeen raasmaal saafi ah oo meelaha qaarkood gaadheen 541 Bilion oo Doolarka Maraykanka ah, sanadkii 2015.

Hadaba iyadoo hay’adda lacagta adduunka ee IMF ay uga digtay dalalka dhaqaalahoodu degdega u korayo inay waajahi doonaan dib u dhac xagga bixinta daymaha shirkadaha ah, taasina ay dhaqaalahooda ku keeni karto culays muddo sanado ah, ayaa dhanka kale waxa jira wadamo afrikaanka ah oo ay hadidaad ku hayso qiimo dhaca badeecaduhu, safka hore ee dalalkan waxaa ku jira kuwa badeecadahooda u dhoofiya dalka shiinaha.

 

Zambia iyo Jamhuuriyadda dimuqraadiga ee Kongo qiimahii lacagihii ay taageeri jireen badeecaduhu waxaa haysata halis muuqata iyo cadaadis joogto ah, qiimaha lacagaha Angola iyo Nigeria ayaa labo goor sanadkan hoos u dhacay, waxaana cidhiidhi la geliyey bixinta ogolaansha dibada wax lagaga soo dejin karo si loo ilaaliyo sarifka lacagaha qalaad.

 

Hadii hoos u dhaca qiimaha badeecadaha aasaasiga ahi keenay inay shiinuhu yareeyaan maalgashigoodii isla markaana doorbidayaan koboc ku tiirsan soo saarka adeegyada markaa la isticmaalayo ee dalabaadkooda la hayo, meeshana aanu ka madhnayn sicir bararka suuqyada ka jira ayaa taasi waxay abuuraysaa madhnaansho ka muuqan kara heerarka kala duwan ee wax soo saarka sida uu sharaxaad ka bixiyey Mr Helen Hai oo ah sarkaal qaabilsan maalgashiga Shiinaha ee qaaradda afrika oo isagoo arintaa ka hadlaya yidhi sidan: ‘ Waxaa jira in ka badan 80 Milion oo fursado shaqo oo ka yimid shiinaha kuwaasoo ay suurogal u tahay inay dadka afrikaanka ahi qabsadaan, xilli taageerada shiinaha ee dhanka wershadaynta Qaaradda afrika ay qiimo dheeraad ah ku sii darayso qalabkeeda caydhiin, tan oo kor u soo qaadi karta rajada la fili karo.”

 

Abuuritaanka fursadaha shaqo oo keliya ahi kuma filna inay meesha ka saarto werwerka jira, waayo? Tusaale ahaan Dalka Mozambique shirkadaha gaasta iyo saliidu waxay lacagta ay helaan ku samayn jireen maalgashiga kaabayaasha nolosha aadamaha, laakiin markii qiimaha shidaalku 50% hoos uga dhacay caalamka mashaariic badan oo dalkaa ka socotay ayaa hadda khatartu dul hoganaysaa
Heerarka daynta ee Qaaradda afrika lagu leeyahay ayaa sidoo kale ah caqabad guurguurta iyadoo sanadkii 2014 daynta Afrika lagu leeyahay gaadhay 11 Bilion oo Doolarka Maraykanka ah, iyadoo bankiyada shiinaha ee dawladu leedahay ay dalbanayaan inay daymahoodii ka helaan dalalka afrikaanka ah ee u daymaysan Shiinaha, sida uu shabakada wararka Afrika ee http://www.theafricareport.com/ u sheegay Mr Eric Olander oo hawlwadeen ka ah shirkadaha shiinaha ee maalgashada dalka dibadiisa oo sidoo kale sheegay in dalkiisu werwer dheeraad ah ka qabo in Afrika dib ugu noqoto sanadihii sideetameeyadii ee ay qaaraddu la ildarnayd culayska kaga yimid daymaha shisheeye oo dhaqaalaheedii ragaadiyey.

Xilli ay maalgashiga shiinaha ee mashaariicda kaabayaasha nolosha ee gudaha qaaradda Afrika ka soconaya xiliganaan laga yaabin inay saamayso dhibaatada hoos u dhaca qiimaha badeecadaha ee jirtaa ayaa hadana waxaa laga yaabaa inay xannibaad ku keento ama hoos u dhigto lacag cusub oo Afrika kaga timaadda dhanka shiinaha, taasoo macnaheedu noqonayo in hoos u dhaca ama koboca dhaqaale ee Dalka shiinuhu saamayn muuqata la leeyahay isbedelka dhaqaale ee Afrika ku socoto, isku xidhnaantaa oo la odhan karo waa mid gaadhsiisan in marka shiinuhu hindhisaan ay Afrikaanku qaadi karaan hargabka.

Comments are closed