|

“Marka Dadka Xukunka Hayaa Ay Qayb Ummaddeena Ah Ku Sheegaan Soomaali-weyn, Waxay Dadka U Dadka U Bislaynayaan In Somaliland-nimada Laga Tago…” Cabdikariin Axmed Mooge

Hargaysa 08. March 2017 (SDN/QJ):- Wasiir ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Qorsheynta iyo Horumarinta Somaliland Cabdikariin Axmed Mooge, ayaa ka digay dhibaatooyin Siyaasadeed oo uu sheegay in Qunsuliyadda Turkigu ku leedahay Hargeysa ku hayso Somaliland iyo Shacabkeedaba.

 

Cabdikariin Axmed Mooge waxa kale oo uu sheegay inay Hargeysa joogaan laba Qof oo Kenyaan ah, kuwaasi oo uu sheegay in Qofka doonaya inuu Kenya tago ay u qoraan Warqad uu Safaaradda Kenya ee Muqdisho kaga qaato Fiisaha Kenya, taasi oo uu sheegay inay halis ku tahay Qaddiyadda Somaliland.

Wasiir ku-xigeenkii hore ee Qorsheynta oo Shalay Shir-jaraa’id ku qabtay Hargeysa, ayaa yidhi, “Hargeysa waxa ka furan Qunsuliyad yar oo Tukigu leeyahay oo hoos tagta Safaaradda weyn ee Muqdisho. Ninka halkan u fadhiyaa wuu caddeystay sida uu Somaliland uga soo horjeedo, wuxuu sawiray inuu Somaliland u arko Gobol yar oo ka mid ah Soomaaliya, wuxuu Aflagaado u geystay Baasaaboorka Somaliland oo uu ku sheegay Warqad yar oo Aqoonsi.”

 

Cabdikariin waxa kale oo uu sheegay, “Meeshaa (Qunsuliyadda Turkiga ee Hargeysa) looguma shaqeeyo Dadka Caadiga ah ee Somaliland oo Fiisayaal looguma sameeyo, ee Ragga Siyaasiyiinta ee Danta laga leeyahay ee Waraaqaha laga saxeexdo ayuun baa Fiisaha la siiyaa, markaa Dadka Caadiga ah waxba uma soo kordhin Xafiiska Turkiga ee Hargeysa hadimo mooyaane, waxaanuna u aragnaa in Qunsuliyaddani tahay Xafiis yar oo Midnimada Soomaaliya lagaga shaqeynayo Dadka reer Somaliland-na lagu dulleynayo.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Waxa kale oo aad ogeydeen in Kenya sheegtay inay Xafiis ka furanayso Somaliland, laakiin waxa la ii sheegay in Laba Nin oo Dhar-cad ahi Magaalada Hargeysa joogaan oo Qofka Fiise u baahda ay Warqad u qoraan una diraan Muqdisho. Waxa kale oo aad ogtihiin in Ingiriiska iyo Waddamada kale ee Reer Yurub ay Xafiisyo ka furteen Muqdisho, markaa waxaad arkaysaa Dadkii reer Somaliland oo lagu dirqiyayo inay Fiisayaasha u doontaan Magaalada Muqdisho, si Dadka quus loogu abuuro.”

Mr. Mooge wuxuu Canaantay Xukuumadda, “Cidda Xukunka haysaa waa in Cidda aan Somaliland ogolayn aanay u ogolaanin inay joogto, laakiin marka Dadka Xukunka hayaa ay Ummadda kala qaybiyaan ee ay Qayb Ummaddeena ka mid ah Calanka Buluugga huwiyaan ee ay ku sheegaan inay Soomaali-weyn yihiin, markaa taa macnaheedu waxay noqonaysaa inay iyagu ka shaqeynayaan oo ay Dadka u sii bislaynayaan in Somalilandnimada laga tago la noqdo Soomaali.”ayuu yidhi.

Comments are closed