|

Mark Simmonds: Somaliland Waa ku wargalinay in Ay Ka Soo qeybgasho Shirka London ee May

London March 27 2013 (SDN)– Wakiilka Dowladda Ingiriiska u qaabilsan Qaarada Africa Mark Simmonds oo la hadlay Warbaahinta dalkaasi ayaa waxa uu sheegay in dolwadiisu ay wado qorshe ay Somaliland uga dhaa dhacsiineyso ka qeybgalka Shirka London ee dhici doona Bish May ee soo aadan.

Mark Simmonds ayaa carabka ku dhuftay in Ingiriisku uu xil iska saarayo sidii loo xalin lahaa khilaafka mudda dheer soo jiray ee u dhaxeeyay dhinacyada Soomaaliya, waxaana uu intaasi ku daray in ka soo qeybgalka Shirka London uu muhiimyahay.

Mr Simmonds ayaa xusay in casuumaada Shirka London ee May dhici doona ay gaarsiiyeen dhamaan dhinacyada ay quseyso waxaana uu carabka ku adkeeyay in maamulada Soomaalida looga baahanyahay in ay ka soo qeybgalaan shirkaasi sida uu hadlka u dhigay.

Wakiilka Ingiriiska ee Africa Mark Simmonds, waxa uu sheegay in Somaliland ay ku wargaliyeen inay ka soo qeybgalaan Shirka London, balse waxa uu Tilmaamay in Jawaab aysan ka helin, waxa uuna xusay in Xukuumadda Britain ay hirgalin doonto Go’aanka iyo Natiijada ka soo baxdan wadahadalka.

Mark Simmonds ayaa la kulamay Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan UK waxa uu tilaamaya in Ingiriiska ay ka go’antahay xalinta dhibaatada ka jirta Soomaaliya.

SDN-London

Comments are closed