|

Mark Bowden:Macluusha Soomaaliya waxa ay dili doontaa tobanaan kun oo ruux

Nairobi Jan 16,2012(qurbejoog.com)Xafiiska gargaarka ee QM u qaabilsan Soomaaliya ayaa shiigay in tobanaan kun oo ruux ay dili doonto macluusha ka jirta Soomaaliya inta aaney laga soo kaban.

Macluuli in ay ka jirto Soomaaliya waxa la shaaciyay lix bilood ka hor balse ilaa iyo haatan waxa weli jira macluul socon doonta ilaa July ama August.

Madaxa xafiska gargaarka QM u qaabilsan Somaliya Mark Bowdeen ayaa sheegay in heerka macluusha ka jirta Soomaaliya ta ugu sareysa dunida.

Waxa uu sheegay Mr Bowden in ruc malyuun Soomaali ahi ay weli macluuli heyso,isaga oo intaa raaciyay in heerka macluushuna ay aad u sareyso.

Caruurta ayuu si gaadha ugu tilmaamay in ay macluushu u saameysay oo kala badh caruurta Soomaaliyeed ay heyso macluul khatar ah.

Mr Bowden waxa uu sheegay inkasta oo xaalku sidii hore dhaamo hadana in lixda bilood ee soo socotaahi ay ahaan doonaan qaar macluushu sii jiri doonto.

Hayadaha gargaarka ayaa dhawaan ka digay in colaadaha iyo khalkhalka siyaasadeed ay wax yeeli karaan la tacaalida macluusha.

Sidoo kale kooxda al shabaab oo horjoogsatay gargaarka oo la gaadhsiiyo degaanada qaar ayaa keeni karta in xaaladu sii cakirnaato.

Qurbejoog-Nairobi
contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed