Marial waa Ciyaaryahan Madax banaan,maxay Ciyaartooyda reer Somaliland ka baran karaan?
London August 04,2012(SDN)-Ciyaaryahan madaxbanaan oo magaciisa la yidhaahdo Gour Marial ayaa maanta gaaray London si uu uga qeyb qaato tartanka ororda ee halkaa ka dhacaya.
Marial oo 28 jir ah ayaa ku noolaa dalka Mareykanka ilaa kolkuu 16 jirka ahaa,balse ma uu qaadanweli dhalashada Mareykanka ee u saamixi leheyd in uu dalkaa magaciisa ku tartamo.
Ciyaaryahankan oo asal ahaan ka soo jeeda dalka dunida ugu cusub ee South Sudan ayaan leheyn guddi iyo koox olympicks toona.
Ciyaaryahankan ayaa ku tartamaya Calanaka Olympicska ka dib kolkii uu diiday in uu ku tartamo magaca dalka Suudan.
Guddida qaban qaabada Olympicska ayaa u ogolaaday ciyaaryahankan in uu si madaxbanaan ugu qeybqaato tartanka ka dib kolkii uu muujiyay in uu ka qeybqaadan karo tartanka.
Hadaba ciyaaryahanada Somaliland ee aanu dalkoodu heysan aqoonsiga taamka ah ayaa halkan waxa uga furan fursad ay tartanada caalamka uga qeyb qaadan karaan.
Ciyaartooyda kala gedisan ee ku nool dunida dacaladeeda waxa ay muujin karaan dedaal ay dunida ugu soo bandhigayaan kartidooda iyaga oo ku tartami kara calanka Olympicska.
Tani waxa ay fursad qaali ah u noqoneysaa qadiyada Somaliland ee mudada dheer loo baadi goobayay ictiraafka.
SDN-London
contact@somalidiasporanews.com