|

Marfish Qarsoodi ah oo Magaalada London ku Yaal oo Booliska Uk ku qabqabteen Somali Jaad ku qarsanaysay

London 12.Aug 2014 (SDN/QJ)- Booliska ingriiiska, ayaa gudaha u galay Mefrish ku yaala galbeedka London oo lagu iibineyay qaadka laga mamnuucay dalka Ingiriiska.

Dhamaadkii bsihii Jine 2014 ayaa dowladda Ingiriiska si rasmi ah u dhaqangelisay mamnuucida qaadka, waxaana dadka oo Soomaalidu ka mid tahay looga digay inay cunaan, ama iibiyaan qaadka.

qaadBooliska Ingiriiska ayaa markii u horeysay gacanta ku dhigay qaad lagu iibinayey mefrish ku yaala xaafada Hayes ee galbeedka magaalada London.   Booliska ayaa shalay xoog ku galay mefrishkan oo tan iyo intii qaadka laga mabnuucay UK weli sii iibinayey qaad iyo garaabo si qarsoodi ah dalka lagu soo gelinayey.Booliska ayaa gacanta sidoo kale ku dhigay ninkii qaadka iibinayey.

Sharciga xakamaynta Mukhaadaraadka ee soo baxay sanadkii 1971-kii ayaa dhigaya in qofka mukhaadaraadkan oo kale lagu qabto isagoo iibinaya inuu mutaysandoono xadhig gaadhay ilaa iyo 14 sano oo xidhaga . Weli waxa Ingiriiska  soo gala qaadka oo iminka qiimahiisu gaaray ilaa £20 oo u dhiganta ilaa $33 dollar mijintii.

Joojinta qaadka ayaa waxa ka faaiideystay dad badan oo markii hore ka soo bixi kari la,aa mefrishyada oo u jeestay xaga cibaadada iyadoo ramadantii dhoweyd aad salaadii taraawiixda ku arkaysay dad badan oo aan hore salaadaha tarawixida ama kuwa faralka ahba loogu arki jirin

London SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

 

Comments are closed