Mareykanka:Woqooyiga Kuuriya lama aamini karo
Washington April 15,2012(SDN)-Wafti ka socda dawladda Iran oo uu hogaaminayo u qaybsanaha dhinaca mashruuca Niyukliyeerka Mr Saciid Jaliile ayaa maanta kulan kula yeeshay wakiilo ka socda shanta dawladdood ee aduunka ugu awooda badan iyo wakiil dawladda Jarmalka ah, iyadoo kulankaasi uu ka dhacay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.
Waxana ay tahay arinta laga wado hadlayaa barnaamijka ay dawladda Iran ku tayeynayso quwadda Niyukliyeerka, iyadoo uu kulankani yahay kii ugu horeeyey ee muddo sannad iyo dheeraad ku qaabsoom, taasoo dawladaha reer galbeedku sida markayka ka shakisan yahiim in Iran ku talo jirto in ay samayso qunbulado Niyukliyeer ah.
Hase yeeshee, dawladda Iran waxay si rasmiya u sheegaysaa in mashruuca Niyukliyeerku yahay mid nabad galyo ah,oo ay xaq u leedahay in ay yeelato, waxase shirkan maanta ka soo baxay in xukuumadda Iran wada shaqeyn la yeelan doonto khubaro ka socota Hay’adda caalamiga ah ee quwada Atomikada.
Dhinaca kale, madaxweynaha Maraykanka Mr Barak Obama ayaa maanta ku dhawaaqey in shirkaasi ka socda Istanbul yahay fursaddii diblomaasiyadeed ee u dembaysay ee lagaga hadlo mashruuca Niyukliyeerka ay dawladda Iran waddo, laakin waxa soo baxaya warar sheegaya in Israa’iil damacsan tahay in weerar cirka ah ku qaado xarumaha Niyukliyeerka ee Iran.
SDN-Washington