|

Mareykanka oo xaqiijiyay dilka hogaamiye AS ka tirsanaa

Jabuuti (QJ) – Milatariga Mareykanka ayaa Khamiistii shaaciyay in duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday Koonfurta Soomaaliya ay ku dileen labo xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab oo uu ku jiro taliye sare. Duqayntan oo ay iska kaashadeen dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, ayaa lagu beegsaday deegaan Koonfur-galbeed kaga beegan magaalada Kuunyow Barrow Talaadadii, sida uu sheegay taliska Maraykanka ee Afrika (AFRICOM).

Duqeynta ayaa Talaadadii lasoo dhaafay ka dhacday meel qiyaastii 10 KM dhanka Koonfur Galbeed kaga beegan deegaanka Kuunyow Barrow ee koonfurta magaalada Muqdisho, sida lagu sheegay war saxaafadeed ka soo baxay AFRICOM.

“AFRICOM waxay sii wadi doontaa inay qiimeyso natiijada howlgalka, waxayna bixin doontaa macluumaad dheeri ah sida ugu habboon,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka oo aan faahfaahin dheeraad ah laga bixin.

Dowladda Soomaaliya ayaa bogaadisay “hawlgalka qorsheysan” ee ay “hawlgalayaasha caalamiga ah” ka fuliyeen isla degmadaas.

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in howlgallada ay si guul ah ku cirib tireen horjooge Argagixiso oo lagu magacaabo Maxamed Mire Jaamac oo loo yaqaan Abuu C/raxmaan, kaasi oo ka dhacay deegaanka Kuunyow Barrow ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Maxamed Mire ayaa xilal kala duwan kasoo qabtay Al-shabaab, wuxuuna hadda ahaa madaxa wilaayada Islaamiga ah.

Washington ayaa muddo toban sano ah si weyn u maalgalisay dadaallada ka dhanka ah argagixisada.

Madaxweynaha cusub ee Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in ciidamada Mareykanka uu kala baxayo Soomaaliya 2016-2020.

Leave a Reply