|

Mareykanka oo weerarkii Syria ku bedelay hub ka dhigid

Washington Sept 10,2013(SDN)-Madaxweynaha dalka Mareykanka ayaa ka dib kolkii ay u cadaatay in shicibka iyo baarlamaanka dalkaasi aaney dooneyn weerar lagu qaado Syria ayaa waxa uu bedelay cagajugleyntii hub ka dhigid lagu sameeyo Syria.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa debecsanaan u muujiyay qorshe ay soo bandhigtay xukuumada Ruushka.

Qorshahan ayaa waxa uu hubka sunta ah ee ay heysato looga qaadayaa si loo hubiyo in aan dib loo isticmaalin.

Arinkan ayaa keenay dib u dhac ku yimaada in baarlamaanka Mareykanku uu dib u dhigo cod loo qaado weerar lagu qaado dalka Syria.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa wejigabax kala kulmay goaankiisii ahaa in xukuumada Syria lagu ciqaabo isticmaalkii sunta Serin ee gumaaday shicib ka badan 1400 oo ruux.

Si kastaba ha ahaatee xaalada Syria ayaa haatan gashay mid arinkeeda aan la garan kareyn dhanka ay u dhici doonto.

SDN-Washington
contact@somalidasporanews.com

Comments are closed