|

Mareykanka oo tacsiyadeeyay askar Puntland laga laayay

Muqdisho (QJ) Dowladda Mareykanka ayaa war kooban oo ay soo saartay waxay si kulul ugu cambaareysay weerarkii Daacish ee Talaadadii la soo dhaafay ay ku qaadeen ciidamada Difaaca Puntland, kuwaasi oo howlgal ka dhan ah argagixisada ka waday buuraha Cal Miskaad.

Fariin kooban oo ka soo baxday Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho, ayaa si kulul loogu cambaareeyay weerarkaasi. Safaaradda ayaa carabka ku dhufatay in maleeshiyaadka Daacish ay la kulmeen jab xoogan, islamarkaana laga dilay in ka badan 100 dagaalyahan.

“Waxaan cambaareyneynaa weerarkii argagixisada Daacish ay ku qaadeen ciidamada Difaaca Puntland 11-kii February,” ayaa lagu yiri qoraalka. Waxaa lagu daabacay koontada rasmiga ah ee safaaradda Mareykanka ee X (oo hore u ahaan jirtay Twitter).

Dowladda Mareykanka ayaa sidoo kale tacsi u dirtay ehelada askartii geesiyaasha ahaa ee Puntland kaga shahiiday weerarka.

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u diraynaa qoysaska geesiyaashii ciidamada difaaca Puntland ee naftooda ku waayey weerarka,” ayaa lagu yiri dhambaalka tacsida ah ee safaaradda.

Comments are closed