Mareykanka oo Soomalaiya siinata $2 billion oo deeq ah
Muqdisho (QJ) – Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Richard H. Riley, ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku saabsan taageerada Mareykanka uu siiyo Soomaaliya, isagoo qoraal uu soo dhigay bartiisa X ( hore u ahaan jiray Twitterka).
Richard H. Riley ayaa shaaca ka qaaday in Mareykanka uu kordhiyay kaalmada uu siiyo Soomaaliya si wax looga qabto caqabadaha bani’aadanimo ee ka jira dalka.
Danjiruhu wuxuu iftiimiyay in, saddexdii sano ee la soo dhaafay, Mareykanka uu $3 bilyan ugu deeqay dadaallada gargaarka muhiimka ah ee Soomaaliya. Wuxuu intaas ku daray in taageeradan ay Soomaaliya faa’iido weyn u leedahay, wuxuuna carrabka ku dhuftay in loo baahan yahay in sare loo qaado kaalmooyinka dalka loo fidiyo.
“Intii lagu guda jiray furitaanka labo barnaamij oo cusub oo ay si deeqsinimo ah u maalgaliyeen dadka Mareykanka si ay uga faa’ideystaan saaxiibadeena Soomaaliya, Mareykanka waxa uu bixiyay in ka badan $2 bilyan oo gargaar bini’aadanimo oo nafo lagu badbaadinayo saddexdii sano ee la soo dhaafay si wax looga qabto baahiyaha dalka oo dhan,” ayuu yiri danjire Riley.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri “Kaalmadan waxay badbaadisaa kumannaan qof oo ku nool Soomaaliya, taasoo yareyneysa cunno yari iyo nafaqo darro. Intaa waxaa dheer, Mareykanka ayaa Soomaaliya ugu yaboohay $29 milyan oo doollar oo ah maalgelin cusub sanadka 2025, taas oo la soo marin doono USAID.
Mareykanka ayaa weli ka mid ah dalalka hormuudka u ah taageerada noocyadeeda kala duwan ee dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan dhanka dhaqaalaha iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.